Baraasiil: Jasiiradda Halista ah Ee Masaska

0
429

Jasiiradda lagu magacaabo Ilha de Queimada Grande oo ku taalla xeebaha Baraasiil ayaa noqotay jasiirad aanay ku noolaan Karin banii’adamku. Waxaana la sheegay in Jasiiradan ay ku nool yihiin Masaska suntan leh ee waaweyn iyo kuwo yar yar.
Waxaana la sheegay in aanu qofku socon Karin sadex tallaabo keliya, iyagoo masasku goob kasta joogaan.
Xukuumadda ayaa ka mamnuucday dadka inay tagaan jasiiraddan ka dib markii dadka halkaasi taga  ay yar tahay wax ka soo noqda.
Jasiiradan ayay si buuxda u haystaan masasku. Kooxo cilmi baadhayaal ayaa taga jasiiradaan ka dib markii ay xidhaan qalab kala duwan. Waxaana ay cadeeyeen inay tahay goob ay ku nool yihiin Masaska suntan badan ee halist ah leh.
 

Leave a Reply