Booliiska: “Haddii Ay Ku Dhici lahayd Qof Dhuuban Wuu Dhiman lahaa”

0
324

Gabadh Maraykan ah oo 32 jir ayaa miisaankeedu aad u xad dhaafay kaasi oo gaadhay 181 KG.  Gabadhan oo socotay dariiq ku yaalla Magaalada Newyork iyadoo jawiguna rooban  yahay ayaa isku deyday inay ka gasho Huteel halkaasi u dhowaa, laakiin nasiib daro Kursigii ay ku fadhiisatay ayaa la jabay ka dib markii uu iska xejin kari waayay miisaankeed culus, waxaana ay ka jabtay gacanta.
Booliiska ayaa goobta yimi si ay u gargaaraan una toosiyaan. Waxaana ay markii danbe sheegeen in haddii ay ku dhici lahayd qof dhuuban uu markiiba u dhiman lahaa miisaanka culus ee dusha kaga dhacay awgeed.

Leave a Reply