Aaska Boqorka Qowmiyada Yoruba ee Nayjeriya

0
464

Boqor aad looga qadariyo koonfur galbeed Nigeria ayaa lagu aasay magaalada Ife.
Kumanyaal ayaa tagay qasriga boqortooyada ee magaalada Ife, halkasi oo ah meesha ay ka soo jeedaan qowmiyadda Yoruba. Aaska rasmiga ah ee, Okunade Sijuwade Olubuse, labaad ayaa ahaa mid dhaqan ah oo ay joogeen oo kaliya tiro yar oo ka tirsan qoyskiisa iyo saraakiisha boqortooyada.
Sida dhaqankoodu yahay qofna ma odhanayo boqorku waa dhintay, balse waxay leeyihiin inuu la midoobay awoowayaashiisa, waxayna aaminsan yihiin inuu dib u dhallan doono.
Boqorka oo 85 jiray ayaa ku geeriyooday magaalada London July, balse dhimashadiisa ayaa arbacadii la shaaciyay.
Dadka ka faalooda arrimaha ayaa sheegaya in tani aysan layaab aheyn, iyadoo marka hore loo baahan yahay  wadahadal badan kaddibna la bilaabo cidda badali laheyd ka hor intaan lagu dhawaaqin geerida.
Badi dadka Yoruba oo gaadhaya ilaa 35 milyan kuna kala nool, koonfur galbeed Nigeira, Togo iyo Benin ayaa aad u ixtiraama.
 
 
 
 

Leave a Reply