Booliiska: “Kharashka Dawada Ridaada Adiga ayaa Bixinaya”

0
312

Booliiska Ingriiska ayaa gabadh caramal oo sabool laguna magacaabo Lauren Bowman ka dalbanaya inay bixiso lacagt lagu dawaynayo Ri ay lahayd taasi oo ka soo dhacday saqafka sare ee gurigeeda ka dib markii ay isku dayday inay qabato gabadha Luaren. Ridan ayaa la saarayay gaadhiga lagu qaado xoolaha la qalayo.
Shirkadda Rida iibsatay ayaa diiday inay bixiso lacagta dawada Rida, Booliiska ayaa sheegay inay raacayaan sharci la soo saaray sanadki 1971 kaasi oo dhigayay in haddii ay waxyeelo soo gaadho xoolaha ay kharashka dawada bixinayaan dadka iska leh xoolahaasi. Gabadha Rida lahayd ayaa sheegtay inay aad ula yaabtay markii ay akhriday warqadaasi, waxaana ay sheegtay in aanay iyadu haysan wax lacag ah oo ay ku bixiso kharashka la rabo.
Booliiska ayaa sheegay inay iyaguba bixiyeen kharashkii dawaynta ee lagu xukumay saddex askari oo ka mid ah ciidankooda oo Eydii ay lahaayeen ay qaniineen dad, waxaana ay cadeeyeen in laba ka mid ah ay ka bixiyeen 18 kun oo ginni iyo17 kun Ginni.

Leave a Reply