Hargeysa(Dawan):- Ururka Guud ee Shaqaalaha Somaliland,ayaa Maayerka degmda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin ku eedeeyay in uu ku tacadiyay 140 qof oo shaqaalaha Dawladda Hoose ee Berbera ka mid ahaa oo uu shaqdoodii uga eryay sifo sharci darro ah.
Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Somaliland Maxamed Axmed oo u warramay Wargeyska Dawan waxaa uu intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay in shaqaalaha lagu dhaqo laguna maamulo xeerka Shaqaalaha Somaliland kaasoo uu sheegay in uu si cad u qeexayo xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha.
Xoghaye Maxamed oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Waxa noo yimi xubno ka mida ah sahqaalaha dawladda hoose ee magaaladda Berbera oo ka cabanayay maayarka Berbera oo shaqadii ka eryay.Shaqaaluhuna marka ay cabanayaan waa inay u yimaadaan ururka shaqaalaha Somaliland in odayaal iyo reer ay doontaan maaha.”
Xoghayaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray. ”Shaqaalaha marka la eego qaybaha innaga qabyada ahi waa shuruucdii shaqaalaha sannadkii 2007 ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaa waxa uu sameeyay xeerkii nidaamiyihii shaqaalaha, dawladda hoose waxaana weeye in lagu dhaqo shaqaalaha.”
Mar uu ka hadlayay wuxuu Maayerku ku sheegay eriga shaqaalaha ayuu yidhi.“Maayarka magaalada Berbera waxa uu sheegay in shaqaalaha uu eryay ay u qaybsameen nin ku takrifalay hantidii dawladda ninkaa hantida dawladda ku takrifalay waxa ku shaqo leh hay’adaha hanta dhawrka oo ah in ay go’aan ka gaadhaan mawduucan xasaasiga ah ee masuul kaliya iska dareerinayo boqol qof iyo in ka badan.”
Xoghayaha ururka Shaqaalaha oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray. “Maayarka magaaladda Berbera waa uu ku tacadiyay shaqaalahan uu sifo sharciya umuu eryin. Shaqaalahaasi waxa ay leeyihiin mushaharkoodii oo may qaadan mushaharkoodii shan bilood qofka shaqaalaha ahina inta uu cabashada ku jiro iyo inta dacwadu ku socotaba mushaharkiisa wuu leeyahay Maxkamadda sare ayaan u gudbinaynaa dacwadan shaqaalaha qaybna waan ka noqonaynaa haddii aanu nahay ururka shaqaalaha.”
Dhinaca kale xubnahan shaqaalaha dawladda hoose ee magaalada Berbera ee uu eryay maayarka Berbera oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in si sharci darro ah shaqada looga eryay isla markaana shaqo erigooda aanu maayarka Berbera waafajin sharciga shaqaalaha dawladdaha hoose ee dalka waxaanay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo in uu wax ka qabto tacadigan uu kula kacay maayarka Berbera.
Dhinaca kalena Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) ayaanay noo suurto-gelin inaanu wax ka weydiino eedahan loo jeediyay Telefoonkiisa oo xidhnaa darteed. Waa markii ugu horraysay ee ururka Shaqaalaha Somaliland ay sheegaan in ay dacwad ka dhan ah masuul shaqaale dawladeed ku tacadiyay in ay dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Maxkamadda Sare ee Dalka.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Ururka Shaqaale-weynaha Oo Dacwad ka Dhan Ah Maayarka Berbera Horgeynaya Maxkamadda Sare