Mandheera (Dawan): Wasiirka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shalay soo kormeertay meello ka tirsan gobolka Saaxil oo laga waddo barmaamij lagu xidhayo dhulka Seereyaasha dawladda oo la doonayo in xooluhu ay intifaacsadaan.
Wasiirka oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo shalay soo kormeeray mashaariic wasaaradda degaanku waddo oo ku saabsan xidhista Seereyaasha xoolaha nool iyo weliba ilaalinta deegaanka si looga hortago nabaad-guurka. Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiintaasi kulan la yeesheen bulshadda degmadda Mandheera ee gobolka Saaxil, kulankaasi oo ay kaga wadahadleen hirgelinta arrintaasi.
Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Lafo-ruug oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxaa ka qaybgalay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka degaankaasi iyo sidoo kale dadka reer Guuraaga ah oo ay ka wadahadleen ka midho-dhalinta hawlaha horumarinta degaanka iyo xoolaha ee wasaaraddu wado.
Guddoomiyaha degmadda Mandheera ee gobolka Saaxil Buraale Cali Xuseen oo hadal ka jeediyey kulankaasi, ayaa sheegay inay bulshada deegaanka isla garteen ka wadashaqaynta horumarinta xoolaha.
Waxaannu yidhi “Wasiiir, waxaannu bulshada degaanka isla qaadanay in wax u dan ah, oo anfaca dadweynaha reer Guuraaga ah la sameeyo, oo annaguna aanu ka maamul degmo ahaan u arkayno in xoolaha iyo dhulkuba ku bad-baadayaan. Waxaanna mashruucan degmadda laga samaynayaa uu yahay Seereyaal daaqqa xooluhu cunayaan ah, oo saddexdii bilood-ba dhan loo xidhayo.”
Wasiirka wasaaradda degaanka oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa uga xog-warrantay odayaasha ay la kulantay hawlaha mashraaciida wasaaraddeedu ka wado degaanka oo qayb ka ah barmaamij lagu xidhayo dhulka seerayaasha dawladda ah si daaqa ka baxa xooluhu u cunaan xilliyada abaartu jirto, kaas oo laga taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Waxa kaloo ay ka codsatay cuqaasha iyo odayaashaasi inay soo dhaweeyaan tallaabo kastoo lagu horumarinayo deegaanka iyo xoolaha Somaliland. Ugu dambayntii, wasiirku waxay halkaasi kaga jawaabtay su’aalo ay ku waydiiyeen odayaasha iyo waxgaradka ay la kulantay.
Dawannews Hargeysa office