Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in wiil yar oo 3 sano jir ah loo doortay inuu noqdo maayarka magaalo yar oo ku taalla dalka Maraykanka oo ka tirsan gobolka Minsota laguna magacaabo Dorset. Magaaladan ayay ku nool yihiin 22 qof oo keliya, waxaana dadka magaaladu isugu yimaadaan sanad kasta bakhtiyaansiib ay ku dooranayaan maayarka magaaladooda. Liiska Magacyada dadka loo soo bandhigay maayarnimada ayay dadku ka doortaan.
Wiilkan yar ayaa magaciisa oo la yidhaa Jemes uu sanadkan noqday kii ay dadka badankoodu u codeeyeen inuu noqdo maayarka magaalada. Wakaaladda ayaa sheegtay in Maayarka magaaladani aanu ahayn mid fulin leh maxaaa yeelay waxa ay ku xidhan tahay magaalada kale ee la jaarka ah. Laakiin doorashada maayarkooda ayay munsaabad u sameeyaan sanad kasta kuna doortaan qofka u noqonaya mid haysta caalamadda maayarka deegaankooda.