Urur Ay Ku Bahoobeen Dhakhaatiirta Carbeed Ee Somaliland Ka Hawl-gala Oo Lagaga Dhawaaqay Hargeysa

0
305

Hargeysa(Dawan):-Munaasibad lagu shaaciyey Midowga Dhakhaatiirta Carbeed ee ka hawl-gala magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa lagu qabtay isla Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Dhakhaatiir isugu jira Ajaanib, kuwo waddanka u dhashay, Ganacsato, Culimo iyo Marti-sharaf kale.
Waxa Munaasibaddaas ka hadlay Dr. Cadul Baasid iyo Dr. Ibraahin, waxay sheegeen in ujeeddada ay u midoobeen ay tahay sidii Bulshada Somaliland ay u heli lahayd adeeg Caafimaad oo dhammaystiran. Mar ay ka hadlayeen Xaruntan ay ku midaysan yihiin ee ay sameeyeen, waxay sheegeen in aanu wax shaqo ah ku lahayn Ururkoodu arrimaha siyaasadda. Hase-yeeshee, ay tahay meel loogu adeegi doono dadka, isla markaana waxay iftiimiyeen in ay lacag  aad u  yar ka qaadi doonaan dadwaynaha  si loo daryeelo kuwa xanuunsanaya, sidoo kalena aanay ahayn mid macaash-doon ah, balse ay adeeg caafimaad oo aad u sarreeya ku fulin doonaan.
Dr. Daahir Xasan Daahir oo Wakiil ka ah Dhakhaatiirta Carbeed ee midoobay, ayaa sheegay in muddo uu ka shaqynayeyey sidii ay Somaliland ay uga hawlgali lahayeen, isla markaana ay ugu adeegi lahaayeen bulshada u baahan in la gargaaro siiba kuwa aan awoodda u lahayn in waddamada dibedda ay u tagaan xaalad caafimaad.
Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo isna Xafladdaasi ka hadlay, ayaa guul ku tilaamay midawga Dhaakhaatiirtan. Waxa iyaguna sidoo kale Munaasibaddaas hadallo soo dhawayn u badan ka jeediyey Xubno isugu jira Ganacsato iyo Culimo oo tilmaamay inay xaruntani muhiim u tahay dadka iyo dalka haddii sida loo sheegay lagu wado.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadda Somaliland oo ka hadlay Munaasibaddan, ayaa hoosta ka xariiqay in dalka Somaliland uu yahay waddanka saddexaad ee Caafimaad la’aanta iyo daryeelka ay ugu dhinteen Hooyooyinka iyo Carruurtu. “Tallaabadani waxay tusaale u tahay halka uu maanta Caafimaadka dalkeennu joogo.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay Wasaarad ahaan soo dhawaynayaan Xaruntan.
Wasiir Ku-xiigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyn ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa uga mahad-ceyey Dhaakhtiirtan Carbeed in ay ka hawlgalaan Somaliland, waxa uu rejo fiican ka muujiyey  in Dhakhaatiirta Ajaanibka ahi maanta Somaliland ay ku midoobaan, waxaanu sheegay inay taasi tusaale u tahay, muujinaysana heerka nabadgelyada iyo aamminaadda ka jirta dalka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo soo gebogabeeyey Xafladdaas, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan dalka Somaliland si diirran ugu soo dhaweynayaan Dhakhaatiirtan Carbeed ee Xarunta ay ku midaysan yihiin kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Dr. Sacad  Waxa uu  sheegay inay xaruntani tahay mid ay dalka iyo dadkuba baahi wayn u qabeen oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha caafimaad ee dalka ka jiray. Wasiirku waxay uu ku dheeraaday inta uu jiri karo qofka Bini-aadamka ahi marka uu helo daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaanu caddayn u soo qaatay daraasado kala duwan oo laga sameeyey arrintaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply