Dhagaxanta Socota Ee Californiya

0
317

Ugu danbaystii ayay ogaadeen culimadu sababta ka danbaysa socodka yaabka leh ee dhagaxanta deegaanka loo yaqaan “Valley of Death” togii dhimashada ee ku yaalla Gobolka California ee dalka Maraykanka. Arinkan ayay culimadu muddo dheer ku wareertay .
Haddaba sida uu sheegay Richard Norris oo ka tirsan Sida  “Scripps Foundation for Ocean Science”, ee dalka Maraykanka dhagxantan ayay  sabab u tahay inay socdaan oo ka dhaqaaqaan goobaha ay taagan yihiin iyagoo ka samaysan isku dhis gaar ah taasi oo ay keenayso barafka ka dhacaya goobta iyo weliba dabaysha xoogga leh ee ka dhacaysa. Cilmi baadhahan oo daraasaddan hogaaminayay ayaa intaasi ku daray in heerkulka deegaanka iyo dabaysha ka dhacdaa ay keento dhaqdhaqaaqa dhagaxantan.
Dhagxantan ayaa miisaankooda lagu qiyaasay 318 kg, kuwaasi oo in badan la is weydiin jiray waxa keenaya inay ka dhaqaaqaan goobihii hore loogu ogaa.
Cilmi baadhahan ayaa intaasi ku daray in hawshooda ay u adeegsadeen nidaam casri iyagoo kamarado ku xidhay dhagaxanta casa ah ee waaweyn , taasi oo muujisay in dabaysha iyo kulaylku ay yihiin kuwo qayb weyn ka qaataa inay casayaashani ka dhaqaaqaan goobahoodii hore.

Leave a Reply