Faa’iidada Caafimaad Ee Liin Dhanaantu Leedahay

0
2203

Mucjisooyinka Liin dhanaanka  ayaa waxa la ogaaday  faaidooyinka caafimaad ee laga helo Liin dhanaanta noocyadeeda kala duwan walow aad loo ammaanay midda jaalaha ah ee badanaa wadankeena ka baxda.
Liin dhanaanta oo ah nooc kamid khudaarta ayaa waxa ay sheegeen dhakhaatiirtu iney wax weyn ka teri karto caafimaadka qofka cunna iyada oo layaab laga muujiyey sababta la isaga indha tiray.
haddaba waxa la ogaaday in lagu dawayn karo xanuuno badan sida:
1:Qandhada (fever)
Liima dhanaanta waxaa lagu daaweyn karaa feebarhaa ka dhasha Xumada, gargabka. waxaanay sheegeen dhakhaatiirtu  in wax ka tarto neefshada qofka isla markaasna ey siyaadiso wareega dhiiga iyadoo waliba disha jeermiska qaar.
2:ilkaha,gawsaha iyo cirid xanuunka (dental care)
liin dhanaanta ayaa wax weyn ka tarta Gawsaha iyo cirid xanuuka iyadoo disha barteeriyada ama jeermiska ilkaha dad ka xanuujiya. Marka gows ku xanuunto ku qabo liin dhanaan gowska ku xanuunaya. Ma aha qolofta sare balse murxaha hoose ama ku luqluqo biyaha liin dhanaanta adigoo in door ah ku heynaya halkaasi si uu u dilo jeermiska.
Sidoo kale haddii aad qabto cirid xanuun ku cadayo ama ku luqluqo biyaha liin dhanaanta. Waxaa kale oo la sheegay in dadka afkoodu soo uro ey sidoo kale subax iyo habeen walbe ku luqluqdaan biyaha liima dhanaanka taas oo la hubo inuu ka tago af urku.
Inaga aan soo wada koobi karin faaiidada ey leedhaay liima dhanaanku ayaa waxaa ku dareynaa laba cudrur somalida mararka qaar ku dhaca
3:Cudurka shuban biyoodka ama Cholera iyo Malaariyada
Liin dhanaanta ayaa ka fiican daawooyinka qaar lagu daweeya cudurka Shuban biyoodka oo somalida mararka qaar ey u dhintaan iyo waliba  maleeriyada. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in liin dhanaan ta sifeeyo baktiiriyada iyadoo waliba disha jeermiska qaar. Baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyey wadamo ka mid afrika ayaa lagu ogaaday iney liin dhanaantu wax weyn ka tarto daaweynta shuban biyoodka iyo waliba malaariyada marka qofku uu cabbo biyaha laga miiraay liima dhanaanta.
4:Dhiig karka (High Blood Pressure)
Cabbida biyaha liintu waxey wax weyn ka tartaa dhiig karka iyo wadna xanuunka waxaana dhakhaatiirtu sheegeen in sababtu tahay in laga helo biyaha liin dhanaanta maadooyin farabadan oo caafimaadka u fiican khaasaatan maadada afka qalaad lagu yiraahdo potassium. Potassium-ka ayaa la ogyahay in wax ka tarto dhiig karka, madax wareerka, yaaq yaaqsiga iyadoo waliba dejisa maskaxda kana hortagta stresska iyo waliba qalbi jabnaanka
Si kastaba, ha-ahaatee Mucjisada Liin dhanaanta ayaa wax yar oo koooban ka soo qaadanay iyada oo dhakhaatiirtu sheegeen in liin dhanaanta oo kamid ah khudaarta wadankeena ilaahey ku maneysay in ey wax weyn ka tari karto caafimaadka qofka binii aadamka ah.
Xuquuqda: Warka.com

Leave a Reply