Sidee ayaad U Samaysan Guri Ku Qanciya?

0
327

Baahida guri la’aantu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka asaasiga ah ee nolosha.  Dalka Japan oo ka mid ah dalalka ugu horumarsan dunida ayay  dad badani iibsan kari waayeen guryihii ay geli lahaayeen qiimaha oo qaali laga dhigay awgeed. Dadkan ayaa keenay fikrad ay iyagu iskood ugu dhistaan guryo gaar u ah oo ah nooca ay dhaqaale ahaan ay awoodda u leeyihiin.
Nin ka mid ah bulshada guryahan dhisatay ayaa sheegay inay muddo u fikirayeen sidii ay u dhisan lahaayeen guryo qanciya isla markaana ah kuwo ay awooddaan oo haddana qurux badan oo indhaha dadka soo jiidinaya.
Waxaana uu intaasi ku daray in wakhtigan ay ku faani karaan inay dhisteen guryo qurux badan oo haddana qiimahoodu jaban yahay.  Fikradda dhisidda guryahan oo ka samaysan qalab qiima ahaan jaban ayaa ka dhalatay baahida guri la’aanta ee haysatay bulshadaasi.
 

Leave a Reply