Khatarta Isticmaalka Badan ee Antibiotic

0
329

Waxaa jira wax guud ahaan la isku raacsan yahay oo ah in daawada casriga ah ay halis ugu jirto inay waxba ka tari weydo cudurrada loogu talagalay in lagu dabiibo, taasoo ay ugu wacan tahay soo bixitaanka xanuunno badan oo adkaysi u yeeshay daawooyinka.
Si xun u isticmaalka daawada Antibiotic ee loo qaato xanuunnada cunaha iyo hargabka waxay kordhisaa halista ah in cudurku daawada iska caabbiyo.
Saas oo ay tahay waxaa jirta in dhakhaatiirta qaar in ay mar walba bukaannada u qoraan antibiotic.
Daawooyinka antibiotics, maxay haddaba u fiican yihiin?
Antibiotics waxay daaweyn karaan xanuunnada ay keento bakteeriya, laakiin waxba kama taraan virus-ka ama noocyo kale oo xanuunno ah.Hargabka iyo qufaca inta badan iyo xanuunka cunaha waxaa keena virus-yo.
 
Jidhkeenuna waxaa uu ku fiican yahay la dagaallanka xanuunno badan oo caadi ah, sida caabuqa dhegaha.
Dhakhtarkaagu waxaa keliya oo antibiotics uu kuu qori karaa marka aad u baahan tahay, tusaale ahaan haddii kelli ku xanuuneyso ama oof-wareen ku hayo.
 
Antibiotics waxay noqon karaan kuwa naf badbaadiya marka ay jiraan xanuunnada sida Meningitis oo kale.
haddii aynaan si xun u isticmaalin waxay u badan tahay inay wax noo taraan marka aan u baahan nahay.
 

Leave a Reply