Tirada carruurta soo galootiga oo badatay

0
415

Qoysaska qaarkood ee ku nool qaarada Yurub ayaa waxa ay badiyeen carruurta ay dhalaan tan iyo sanadkii 1970-kii.
Qoysaska deggan dalka UK ayaa waxa ay leeyihiin afar carruur ah ama ka badan waxay gaadheen heerkii ugu sarreeyay muddo konton sano ah, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda tirakoobka Yurub.
Tirooyin ayaa muujinaya in 9.5% carruurta la dhalay sanadkii 2013-kii inay u dhasheen qoysas markii horeba lahaa carruur saddex ama afar ka badan.
Dalka Finland qoysaska badanaya waa mid ay aad ugu horreeyaan
Habka cusub ee dhalidda afarta carruurta ah waxay waddammadan ku riixeysaa inay hoy u noqdaan qoysaska ugu carruurta badan dunida hore u martay.
Warbixintan ay soo saartay Eurostat ayaa muujinaysa in tirada qoysaska haysta afar carruur ah ama ka badan ay si aad ah u korortay tan iyo sanadkii 2009-kii, markaas oo tirada ay kala badh ahayd marka loo fiiriyo maanta.
Waxa ugu yaab badan dabcan dalalka ay ku badan yihiin kiristaanka katooligga ah, oo beri hore ay carruurta badan caadi ahaan jirtay, oo hadda ku caan baxay carruur yaraan marka la isku celceliyo: dalka Talyaaniga 3.1% carruurta sanadkii dhalata waxay leeyihiin saddex walaalo ah, halka dalka Spain ay ka tahay 2.6%, Poland-na 4.6%.
 
Laakiin maxay tahay sababta waalidiinta maanta ay u doorteen in ay qoysaskooda badiyaan marka la barbardhigo jiilalkii hore?
Dadka arrimahan ku takhasusay waxay farta ku fiiqayaan in waxa ugu weyn ee arrintan u kordheyso ay tahay dadka soo galootiga ah.
Dalkan UK, tusaale ahaan, haweenka soo galootiga ah ee ka yimid dalalka Soomaaliya, Pakistan, Afghanistan iyo Bangladesh waxa ay sare u qaadeen tirada carruurta ay dhalayaan, waxa ayna ka dhalma badan yihiin hooyooyinka u dhashay dalkan ee Britishka ah.
 
Sidoo kale qoysaska u dhashay dalalka Nigeria, India iyo Poland ee soo galootiga ah ayaa waxa ay ka badan yihiin celcelis ahaan tirada carruurta kale.
Run ahaantii, in ka badan rubac carruurta ku dhalatay UK sanadkii 2013 waxaa dhalay hooyooyin aan dalkan ku dhalan.
 
 

Leave a Reply