Madaxweynaha Gaaboon oo Dhaxalkiisa ku Deeqay

0
362

Madaxweynaha dalka Gabon Cali Bongo, ayaa ballanqaaday in dhamaan lacagta uga soo qaybtay dhaxalka aabihiis, uu ku aasaasi doono xarun loo furo dhalinyarada dalkaasi.
Mar uu la hadlayay shacabka dalkiisa ayuu yidhi ‘ aniga aragtidayda anagoo dhan baa leh dhaxalka aabaheey Omar Bongo.”
Aabihii, oo dalkaas xukumayay 41 sano ilaa markii uu dhintay 2001-dii, ayaan dhaxalkiisa weli la xisaabin. Balse waxaa lagu soo waramayaa in uu ka tagay hanti gaadhaysa malaayiin doolar.
Garsoorayaasha Faransiiska, ayaa hadda baadhaya qoyska Bongo, oo la sheegay in loo heysto eedeymo aan la cadeyn, oo ay ka mid yihiin ku-takri-falid hanti, oo ah eedo ay si aad ah u diideen.
Dalka Gabon, wuxuu soo saaraa saliid, laakiin sadex meelood tirada dadka ku nool dalkaas waa dad sabool ah, sida laga soo xigtay bangiga adduunka.
 
Khudbad uu ka jeedinayay sanad guuradii ka soo wareegtay 55 sano markii uu dalkaasi xoriyada qaatay, ayaa madaxweyne Bongo waxa uu sheegay lacagta uu shaqsiyan dhaxalka u helay ee uu dhalinyarada ugu deeqayo ka sokoow, ay qoyskiisuna ku deeqi doonaan lacagta caasimadda Libreville looga dhisi doono jaamac cusub.
Waxa uu yidhi, ‘Ma jirto cid Gabon u dhalatay oo looga tagayo wadada dhinaceeda’.
Laba guri oo uu lahaa aabihiis Omar Bongo oo ku yaala caasimada Faransiiska ee Paris, ayuu sheegay in dowladda loogu deeqi doono.
Taariikh nololeedkii: Omar Bongo

  • Eedo musuq maasuq ah ayaa sanado lagu eedaynayay Omar Bongo.Dacwad caan ah ee loogu magac daray “hantida sida xun loo helay” ayaa waxaa laga bilaabay Faransiiska sanadkii 2010, kaddib olole waqti dheer qaatay oo ay sameysay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Transparency International.
  • Laba garsoore ayaa la magacaabay in ay baadhaan dhaqaalaha hoggaamiyihii hore ee Gabon iyo qoysaska hoggaamiyayaasha Equatorial Guinea iyo Kongo-Brazzaville, si loo baadho in si qaldan loo isticmaalay hantida qaranka.Sida uu dhigayo sharciga Faransiiska, baadhitaan rasmi ah, ayaa talaabo u jiray in maxkamedeyn ay dhacdo, balse kiisas kale, ayaa la tuuray iyaga oo aan gaadhin maxkamada.
  • Hantida qoyska Bongo, ayaa lagu tilmaamay qeyb ka mid ah baadhitaan hore oo booliska ay sameeyeen in ay yihiin 39 guri oo ugu yaala Faransiiska, kuwaas oo ka dhisan xaafadaha maalqabeenada ee agagaarka Paris ee French Riviera, sidoo kale 9 gaadhi oo kuwa raaxada ah, oo ay ku jiraan gawaadhida noocoodu yahay Ferraris iyo Mercedes, oo ku fadhiya lacag dhan $1.6million

 
Cali Bongo, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweyne bishii September sanadkii 2009, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii sedexaad ee dalkaas yeesho tan iyo markii xoriyadda ay ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1960.
 
 
 
 

Leave a Reply