Hargeysa: Dadweynaha Oo Ka Dareen Celiyay Go’aankii Maxkamadda Sare

0
357

Hargaysa (Dawan): Laba maalmood  ka hor  ayay ahayd markii   maxkamada sare  ee dastuuriga ah ay qaraarka ka soo saartay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii golaha  Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha  Wakiillada, iyadoo  maxkamadu  go’aankeedaasi ku laashay heshiiskii seddexda xisbi qaran ay ka gaadheen arrimaha doorashayooyinka.
 
Go’aankaasi ay maxkamada sare ku soo af-jartay khilaafka arrimaha doorashooyinka ayaa si weyn looga soo dhaweeyo guud ahaan dalka Somaliland. Waxaana  goobaha  ay bulshada   ku kulanto ee Makhaayadaha laga Shaaho  iyo suuqyada magaaladda Hargaysa  si aad ah  looga dareemayey hadal haynta go’aankaasi.
 
Wargeyska DAWAN ayaa  u kuurgalay sidda ay bulshadu u aragto go’aankii maxkamadda sare,  Dadweynaha  ku dhaqan caasimada Hargeysa waxa ka waydiinay  sida ay u arkaan go’aankaas.  Waxaanay  dadka aan u la kulanay   kaga dareen celiyeen arrintaasi  talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday,  iyagoo  badankoodu  sheegay in ay si weyn  u soo dhaweynayaan qaraarkan.
 
Sidoo kale dadkani aanu dareenkoodda waydiinay    waxay  seddexda xisbi qaran   ku bogaadiyeen  sidii qiimaha iyo sharafta lahayd ee  ay ugu hogaansameen ama ugu qanceen  go’aankii   maxkamada sare, kaasi oo ay ku tilmaameen mid muujinaya   lexejecladda  ay dalkoodda iyo dadkoodaba ka qabaan, isla markaana u ixtiraamayaan  hay’adaha sharciga iyo shuruucda dalka u yaalla.
 
Nin ka mid dadka aanu la kulanay oo magaciisa ku koobay  Ladane,  oo ah macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee 26 June  ee magaaladda Hargaysa, oo aanu  wax ka waydiinay sida uu u arko go’aankaasi  waxaanu yidhi      “Maxkamada sare go’aan rasmi  ah  ayay  gaadhay.  Kii   sharciga ahaa ayay  gaadhay. goaankii cadaalada ahaa ayay gaadhay.  Anaguna  sidaas ayaanu aad iyo aad ugu taageer  sannahay,  kuna faraxnay haddii  aanu nahay ummadda  Somaliland”.
 
 
Maxamed Jaamac Jamaal, oo ku nool Hargaysa oo aanu isna waydiinay  sida uu u arko go’aankii ay maxkamada sare  ka soo saartay khilaafkii xisbiyada qaran iyo  Guurtida.  Waxaanu ku jawaabay  “Marka hore waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay in madaxwaynuhu uu u gudbiyey sharcigiii ay isku hayeen siyaasiyiinta maxkamada sare,  taana wuu ku mahad san yahay.
 
Maxkamaduna  waxay ka gaadhay sharci,  oo ay qodobada sharcigan ah aanay dhana uga baydhin oo si wanaagsan bay u kala xukuntay oo ay ku kala bad-baadisay, xisbiyada mucaaridka  ahina go’aankaa ay qaateen aad bay ugu mahad san yihiin” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Jamaal oo ka mid ahaa dadkii aanu la kulanay.
 
 
 
 
Mustafe Axmed Cabdilaahi oo  noo sheegay in uu   ka soo  qalin-jebiyay   Kuliyada sharciga ee jaamacadda  Hargaysa ayaa isna aad ugu mahad celiyey gudoomiyaha maxkamada sare iyo gar-sooreyaashii  tafsiirka sharci ku soo sameeyay  arrintii uu muranku ka taagnaa.
 
Waxaanu yidhi  “Waxaan aad ugu mahad naqayaa gar-sooreyaashii iyo gudoomiyaha maxkamada sare gar-yaqaan Aadan  Xaaji Cali, ka garnaqii dacwadii mudada kooban ay qaraarka kaga soo saareen arrintii muranka dhalisay.  Qaraarkaasi  oo ahaa  mid  waafajisan shuruucda wadanka u yaalla,  markaa aad baan ugu mahad celinyaa.”
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply