Maraykanka oo ka Xun Heshiis la’aanta South Sudan

0
319

Wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay in heshiis looga gaadho xiisadda Koofurta Sudan ayaa dhamaaday, iyadoo madaxweyne Salva Kiir uusan saxiixin hesiiska, halka hogaamiyaha fallaagada Riek Machar uu saxiixay.
Xukuumadda Koofurta Sudan waxay qabsatay 15 maalmood si ay uga baadhaan degto qodobada heshiiska.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dawladda Koofurta suudan ay heshiiska saxiixi weydo.
Mareykanka ayaa xukuumadda Juba ugu baaqay in muddada 15-ka maalmood ah ay ku saxiixdo heshiiska.
Beesha caalamka ayaa ugu digtay labada dhinac in ay cunaqabateyn wajihi doonaan, haddii ay ku guuldareystaan gaadhida heshiis lagu soo afjarayo colaadda muddada 20-ka bilood ah dalkaasi ka socotay.

 
 
 
 
 

Leave a Reply