Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Danjiraha Jabuuti U Soo Magacowday Somaliland

0
273

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay qasriga madaxtooyadda ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Jabuuti dhawaan u soo magacawday Somaliland danjire  Cumar Xuseen.
Kulankan ayaa madaxweynaha waxa ku  wehalinayay Madaxweyne ku xigeenka  Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil  (Saylici) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Madaxweynaha Somaliland oo halkaasi hadal soo dhawayna ka jeediyay ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti yihiin  laba dal oo walaalo ah isla markaana uu ku dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan lihi
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu  xusay in safiirka cusub ee Jabuuti u soo  magacawday  Somaliland, ka xukuumad ahaan gacan ku siin doonaan wixii hawl-gudasho ah ee uu uga baahdo.
Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiyi doona  Somaliland Cumar Xuseen ayaa dhinaciisa  madaxweynaha uga mahad celiyay  sida qiimaha leh oo uu u soo dhaweeyay isla markaana ugu qaabilay qasriga madaxtooyada taas oo muujinaysa xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya labada dal isagoo intaasi ku daray  inuu sii horumarin doono cilaaqaadka iyo wada qabsiga labada dawladood.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply