WHO: 3 milyan ayaa sanad kasta u dhinta daroogooyinka iyo khamriga

0
68

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sannad kasta in ka badan 3 milyan ay u dhintaan xannuuno ay sababeen maandooriyaha iyo khamriga, kuwaas oo u badan ragga.

Warbixin la sii daayay Salaasadii ayaa sheegtay in 2.6 milyan oo qof (2 milyan oo ka mid ah rag ah) ay u dhintaan xanuuno la xidhiidha khamriga adduunka oo dhan sannad kasta. Halka ilaa 600,000 oo dhimasho ahna loo aanaynayo isticmaalka daroogada nafsiga ah, waxaana rag ah 400,000 oo ka mid ah dhimashadan.

Qiyaastii 4.7% dhimashada adduunka oo dhan waxaa loo aaneeyaa khamriga. Taas oo ay ku jiraan dhimashada dhaawacyada sakhraansan, shilalka baabuurta sakhraansan, cudurrada faafa sida HIV ee lagu gudbiyo khamriga.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in dhimashada la xidhiidhta Alkahoosha ay hoos u dhacday tan iyo 2010-kii balse weli tirada dhimashadu ay tahay mid aan la aqbali karin.”

“Inkasta oo aan aragnay korodh yar oo ah tirada wadamada qaadanaya siyaasadaha khamriga ee qaranka, horumar yar ayaa laga sameeyay hirgelinta siyaasadaha saameynta sare leh ee la xaqiijiyay si loo yareeyo waxyeelada la xidhiidha khamriga, sida siyaasadaha qiimaha saameynta leh ama suuqgeynta dhamaystiran iyo xayiraadaha helitaanka Tedros ayaa ku yidhi hordhaca warbixinta.

Qaramada Midoobay waxay bilawday yoolal horumarineed oo waara (SDG) 2015 kuwaas oo u adeegaya caafimaad qab, barwaaqada iyo bed qabka adduunka.”

WHO waxa ay ku talisaa tallaabo lagu dardargelinayo in horumarka laga gaadho yoolka lagu dhimayo dhimashada khamriga iyo maandooriyaha: iyada oo la raacayo arrimahan:

  • In la kordhiyo wacyigelin loo marayo olole caalami ah oo la isku duway;
  • Xoojinta awoodda daaweynta ka hortagga ee hababka daryeelka bulshada iyo caafimaadka;
  • Ka shaqeynta dadaallada caalamiga ah ee ku lug leh kor u qaadida wacyiga dadka ee daaroogada;
  • In laga shaqaysiiyo ururada bulshada rayidka ah, oo ay weheliyaan ururrada xirfadlayaasha ah iyo dadka khibradda u leh dhibaatooyinka isticmaalka mukhaadaraadka iyo xaaladaha;
  • In la kordhiyo dadaallada abaabulka iyo qoondaynta habab maalgelineed oo cusub.

Tedros wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay aanay ku socon wadadii ay ku gaadhi lahayd horumar la taaban karo oo laga gaadho yoolalka SDG “ilaa aanu laban laabno dardargelinin waxqabadka.”