Qaraxii ka Dhacay Thailand oo la Cambaareeyay

0
433

Ra’iisal wasaaraha Thailand waxaa uu ku tilmaamay bomb-kii ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof ee ka dhacay goob ka mid ah magaalada Bangkok maalintii isniintii inuu ahaa dhacdadii ugu xumeyd ee abid dalkaas ka dhacda.
Maamulka Thailand ayaa hadda waxa ay baadhayaan dhowr kaamera oo ku xidhnaa xarunta, si ay u helaan macluumaad dheeraad ah.
Prayut Chan-o-cha waxaa uu sheegay in qof la tuhunsan yahay lagu arkay sawir kaamerad television isagoo goobta la gelaya shandad dhabarka u saaran, kana baxaya isagoon waxba sidan.
 
Wasiirrada dalkaasi ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in qaraxaasi lala eeganayay dalxiisayaal, maadaama goobtaasi ay  caan ku ahayd  in dadka ajaaniibta ah ay soo booqdaan.
Waloow dadka ugu badan ee ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxaasi ay ahaayeen muwaadiniin Thailand ah.
Waxaa la nadiifiyay agagaarka goobtaasi, waxaa sidoo kale la furay wadooyinkii ka agdhawaa.

Leave a Reply