WAX KA BARO MADAX XANUUNKA QAYBIHIISA ASTAAMIHIISA Q2AAD

0
345

Madax xanuunka aadka u daran ee Goonjabka wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah,
laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya madax xanuunka aadka u daran oo loo yaqaanno “aura”. Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah
Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
Gacan ama lug ku xat-xatoota
Madax xanuunka Wadajira (Cluster Headache)
Madax xanuunka wada jira wuxuu keenaa madax xanuun aad u daran.
Madax xanuunnadu waxay u dhacaan koox-koox ama qaybo. Waxay dhacaan 1 ama in ka badan maalintii mudo toddobaado ama bilo ah. Dhammaadka wareegga qaybta, madax xanuunnadu si lama filaan ah ayey u joogsadaan.
Badanaa ma soo laabtaan 6 bilood ilaa sanad ama ka badan. Lama yaqaanno waxa keena madax xanuunnada wadajira, laakiin waxaa jira waxyaabo laga yaabo in ay kiciyaan oo ay ka mid yihiin:
Isbeddellada ku yimaada mudada ileyska qorraxda ee waqtiga gu’ga iyo dayrta
Walac-walac ileyska ka timid
Aalkolo
Sigaar cabid
Cuntooyinka qaarkood
Daawooyinka qaarkood
Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa baaritaan kaa qaadi doona.
Daryeelkaagu wuxuu ku saleysnaan doonaa calaamadaha iyo nooca madax xanuunka aad qabtid. Iyadoo qayb ka ah
daryeelkaaga ayaa laga yaabaa in aad u baahato:
In aad qaadato daawooyinka miiska laga soo iibsado sida acetaminophen, asbirin, ama ibuprofen oo madax xanuunka loo qaato, hadba sida takhtarkaagu amro. Ha siinnin asbirin carruurta. Haddii daawooyinka miiska laga soo iibsaday aysan ku caawinnin, takhtarkaaga kala hadal daawooyin uu kuu qoro.
Kul ama qabow iska mari qoorta ama madaxa.
Hurdo kugu filan seexo.
Isdeji, diiqada iska yaree qaab fiicanna isticmaal.
Cun cunno caafimaad leh dibna ha u dhigin ama ha seegin cuntooyinka.
Ka fogow in indhuhu ku daalaan.
Ka fogow sigaar iyo aalkolo cabid.
Xafido xusuus qor madax xanuun ama jadwal si ay kaaga caawiyaan in aad u ogaato ugana fogaato waxa kiciya.
Isla markiiba la xiriir takhtarkaaga haddii:
Aad isku aragto madax xanuun kaaga yimid dhaawac madaxa ah.
Uu hadalku ku dhibo, araggaagu isbeddelo, dhibaato dhaqaaqa gacmahaaga ama lugaha kala kulanto, dheellitirankaagu lumo, aad jahawareerto, ama xusuustu kaa lunto.
Aad isku aragto madax xanuun qandho leh, qoor giigsan, lalabbo iyo matagid.
Madax xanuunkaagu uu lama filaan yahay oo uu daran yahay.
Madax xanuunkaagu uu ka sii daro muddo 24-sac ah ama uu sii jiro wax ka badan hal maalin.
Madax xanuunkaagu uu daran yahay uuna u dhow yahay hal il oo ay ishuna ku gaduudato.
Aad taariikh madax xanuun lahayd, laakiin ay qaab ahaan ama baaxad ahaan isbeddeleen.
Dhamaad.
Xigasho: SomaliDoc       
 
 
 

Leave a Reply