Jusur Al-Qamar Dadkii Ayaa Ka Batay Dhulkeeda!

0
468

Dalka Comoros (Jusur AL Qamar) wuxu ku yaalla badweynta Hindiya waxayna waqooyi ka xigtaa dalka Musaambiik, iyadoo barina ka xigta Jasiiradda Dalka Madagasgar . Waxa kale oo iyana dhinacyo kale ka xiga jasiiradda Seeshalis iyo Tansaaniya. Waxaana lagu tiriyaa inay tahay dalka saddexaad ee ugu yar qaaradda Afrika, baaxadda dhulkeedu uu ku fadhiyo ayaa ah 1.862 km2  ama 863 Mayl2 .
Tirada dadka ku nool jasiiraddan ayaa lagu qiyaasay 798000 oo qof, waxaana ay noqotay dawladda lixaad ee ugu dadka yar qaaradda Afrika.
Waa dawlad ka kooban afar jasiiradood, waxaana gumaysan jiray Faransiiska iyadoo luqadda rasmiga ee dalkaasina ay tahay Faransiis, luqadda Comoros iyo luqadaa Carabida ayaa iyana ah luqadaha labaad ee dalkaasi. Waa dal muslim ah oo dadkiisu haystaan mad-habta suniga ah.
Dalkan ayaa ku jira ururka jaamacadda Carabta, kan dalalka Muslimiinta, Qaramada Midoobay, Ururka Dawladaha ku yaalla badweynta Hindiya, Ururka Midowga Afrika. Waxay xornimada ka qaadatay dalka Faransiiska sanadkii 1975.  Beeraha, kaluumaysiga iyo dalxiiska, iyo barashada xirfadaha gacanta ayay dawladdu xooga saaraysaa si ay kor ugu qaado dhaqaalaha dalkaasi  iyadoo doonaysa inay yarayso heerka shaqo la’aanta dalkaasi ka taagan.  Dhibaatada ugu weyn ee wakhtigan haysataa waa baaxadda dhulka oo ku yar, taasi oo keenaysa in dhul beereedku uu noqdo mid kooban, iyadoo xukuumadduna qorshaynaysa habkii loo xalili lahaa tirade dadka ee badanaysa iyo dhul yaraanta Jasiiradda.

Leave a Reply