Cajiib: Ma Dad Bukaan Ahbaa, Mise Waa Dalxiisayaal?

0
285

Saboolnimada Qaaradda Africa ayaa xoog usoo baxda marka ay dhacaan dhibaatooyin dabiici ah. Dhowaan markii xanuunku ka dilaacay dalalka Afrikada galbeed ayaa la waayay gaadiid dadka buka soo gaadhsiiya goobaha caafimaadka.
Dadkan fuushan buudhiga ay jiidayso Lo’du ayaan la garan Karin inay yihiin dad dalxiisayaal ah iyo inay yihiin dad bukaan ah oo lagu wado xarumo caafimaad. Laakiin Buudhiga Ambalance-ka ah waa mid kooxaha caafimaadku ugu talo galeen in lagaga soo qaado bukaanada qaba xanuunka goobaha miyiga, laakiin in badan oo ka mid ahayd dadkii gaadiidkan qadiimka ah lagu soo qaaday ayaa dhexda ku dhintay sababo xataa aan ahayn xanuunkii laakiin ay sababeen dariiqyada iyo nooca gaadiidka lagu soo qaaday.
Kooxaha caafimaadka oo aan heli Karin gaadiid ka soo qaada dadka Miyiga iyo beeralayda goobahooda ayaa adeegsaday habkan gaadiidka qadiimka ee muujinaya dib u dhaca iyo fakhriga qaaradda haysta.

Leave a Reply