Ruushka Oo Laga Helay Lacagtii Uu Isticmaali Jiray Mid Ka mida Boqoradii Caanka ka Ahaa Dalkaas

0
280

Khubarada Ruushka ee cilmiga dhulka ayaa markii ugu horeysay helay waxyaalo hadhaa ah oo kazoo hadhay boqortooyooyinkii ugu horeeyey dalkaasi Ruushka,gaar ahaana  qaybo kamida qasrigii boqorkii labaad ee dalkaasi ,qasnadiisii lacagta iyo lacagihii u isticmaali jiray ,waxaana la odhan jiray boqorkaas T sar Ivan Grozny.
Khubaradan ayaa soo saaray warbixin ay ugu talo galeen maxadka ilaalinta xadaarada iyo Sayniska  ee Ruushka wadanka ,waxaanay rumaysan yihin madaxda khubaradaasi in loo baahan yahay in la ilaaaliyo qasrigaasi oo ilaalo ku jiray ilaa xukunkii  madaxweyneyaashii wadankaasi soo maray.
Qasnada ayaa waxa ku jiray markii la helay lacag gaadhaysa 100 oo lacagtii waqtigaasi la isticmaali jiray,sida uu yidhi agaasimaha maxadka Institute Vladimir Apshin,kaas oo laga helay gidaarka barri ee qasrigaasi.
Khubaradan ayaa sheegay in qasnadan meesha la dhigay waqti lagu qiyaaso  ilaa 1582kii,waqtigaasi oo ahaa waqtigii ay ciidamadii Sweden soo weerareen wadankaasi,gaar ahaana magaalada Novgorod.
Lacagtan ayaan lahayn wax taariikha oo ku muujisan,iyada oo taariikh ahaan dib ugu noqonaysa  waqtigaasi uu xukunka hayey boqorkii lagu magcabi jiray Tsar Ivan IV,kaas oo lagu naanaysi jiray The Terrible Any Grozny.
Khabiirkan ayaa sheegay in ay hore u heleen lacago kazoo hadhay boqortooyooyinkii ka jiray wadamada Carbeed ,laakiin aanay weligood helin wax lacago taariikheed ah oo ay lee yihiin shacabka Ruushku,iyada oo dhulka carabta laga helay lacagtii ugu horeysay qarnigii sagaalaad iyo kii tobnaad.
Qasrigan ayaa markii ugu horeysay la degey sannadkii 862 AD,iyada oo sannad guuradiisii ugu horeysay loo dabaal degay sannadkii 2013-kii,iyada oo hadda waqtigii la dhigay laga joogo 1260 oo sanno in ka badan.
Magaaladan Ladoga ayaa ku taala waqooyi galbeed wadanka Ruushka,iyada oo laga helay in ka badan 160 meelood oo taariikhi ah,marka lagu daro qasrigan cusub,iyada oo taariikhda dhulkaasi la helay ay dib ugu noqonayso waqtiyadii hore ee taariikhda Ruushka.
 

Leave a Reply