Dhirta Oo La Fuulaa Waxay Wanaajisaa Xusuusta Maskaxda

0
311

Koox saynisyahano ah oo u dhashay wadanka Maraykanka kana tirsan jaamacadda University of North Florida ayaa soo gebo gebeeyey daraasad cusub oo ay in muddo ah wadeen,taas oo ay kaga hadlayeen fuulitaanka caruurta ee dhirta iyo faa’iidooyinka ay ka helaan,waxaanay sheegeen in ay caruur badan oo tiro ahaan gaadhaysa ku dhowaad million caruur ahi jecel yihiin fulitaanka dhirta,taasina ay tahay mid maskaxda u wanaagsan,gaar ahaana qaybta xusuusta.
Khubaradan ayaa sheegay in dhirta oo la fuuliyo iyo socodka lugta oo lagu daro guclayn ama orod gaabani keeno maskaxda oo noqota mid xusuusteedu aad u sarayso  50%,iyaga oo soo jeediyey in haddii uu qofku ka baqdo dhirta ama ay culays ku noqoto loo baahan yahay inuu ciyaaro Tennis-ta iyo sidoo kalena kubada cagta,kuwaas oo ay sheegeen inay si isku mid ah u saameeyaan maskaxda.
Ciyaarahan oo la sameeyo ayay sheegeen inay keenaan maskaxda oo xusuusata waxyaalo kala duwan,waxaanay keentaa ayay khubaradu yidhaahdeen isu dheeli tirnaan maskaxda ah.
Khubaradan ayaa dad gaadhaaya 72 qof oo da’doodu tahay  inta u dhaxaysa 18 ilaa 59 sanno  weydiiyey su’aalo ku saabsan habkooda jimicsi,sidoo kalena waxay kala qayb qaateen dadkaasi tijaabooyin dhinaca maskaxda iyo xusuusta ah,iyaga oo sidoo kalena bishii march oo ay daraasadani socotay u diray dadkaasi qaybo kamid ah inay dhirta fuulaan ,halka qaarkoodna ay u direen inay kubad ciyaaraan ,kuwo kalena inay lugeeyaan ama ordaan.
Khubaradan ayaa ugu dambayn soo gebo gebeeyey daraasadan ,iyaga oo markii dambe tijaabiyey xifdigii dadkan ,waxaanay heleen natiijo ah in ay ka xusuus badan yihiin dadkani sidii hore,marka loo eego tijaabadii ugu horeysay.
 
 

Leave a Reply