Waxyeelada Daawashada Tv-ga Ee Caruurta

0
689

Cilmi baadhis lagu sameeyay caruurta sanadka gaadhay ee sida joogtada ah u daawada Tv-ga ayaa muujisay in arintaasi ay waxyeelo ku keento koritaanka maskaxda ee ubadka yaryar.

Daraasaddan oo laga sameeyay dalka Ingriiska ayaa la sheegay in lagu ogaaday in ilmaha aan daawan Tv-ga ee ku ciyaara qalabka kale uu ka maskax wanaagsan yahay kan daawanaya Tv-ga, isagoo qaybi kara maalintii 20 eray halkan kan kale uu baran karo 6 eray oo keliya.

Caruurta ay da’doodu ka yar tahay labada sano ayaa laga digay inay si joogto ah u daawadaan Tv-ga, maxaa yeelay koritaanka maskaxdooda waxa caawiya ciyaaraha, iyo dhaqdhaqaaqa kale ee nolosha.

Daraasada iyadana uu sameeyay Dr. Gordano o Maraykan ah kana tirsan mac-hadka caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegay in muuqaalada cabsida leh ee ay daawadaan caruurta ay da’doodu ka yar tahay 18 ay gaadho tiro ahaan 200 kun jeer, halka ay dilalkana arki karaan 40 kun jeer, arinkaasi ayuu sheegay inay keenayso in akhlaaqda ilmaha ay wax ka bedesho oo ay ka dhigto mid si fudud u gala denbiyada halista, isagoo u arkaya inuu yahay geesi ama uu yahay sidii qof aan denbi galin.

Waxa kale oo daraasaddu sheegtay in mudada dheer ee Tv-ga la hor fdhiyaana ay keento xanuuno badan.

 

Leave a Reply