Baarlamaanka Giriigga oo Taageeray lacag siin Cusub

0
267

Baarlamaanka Giriigga ayaa cod ku taageeray qorshaha cusub ee lacag siinta.

Codeynta ayaa timid saacado ka hor markii wasiirada lacagta dalalka Euro, ay aheyd inay ogolaadaan 85 bilyan oo Euro oo lagu badbaadinayo.

Dood ka socotay Athens habeenimadii oo dhan, ayuu ra’iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, ku adkeeyay xubnaha baarlamaanka inay codeyn ku taageeraan qorshaha. Wuxuuna sheegay in qorsho kale oo ah, in deyn lagu gudbo Giriigga la siiyo halkii laga siin lahaa deynta rasmiga ah, ay macnaheedu tahay in lagu laabto qalalaase aan dhammaad laheyn.

Wararka ayaa sheegaya in Tsipras uu ku baaqi doono codka kalsoonida todobaadka dambe, kaddib markii ku dhawaad saddex meelood xubnaha xisbigiisa Syirza ay cod uga horjeesteen dowladda.