Goobaha aan lagu hayn aqoon caafimaad ayaa had iyo jeer waxa ku hareeraysan naxdin iyo cabsi badan, maxaa yeelay dadka u tegaya inay caafimaad ka helaan badankooda uma hayaan daawooyin ku haboon. Waxaana dhacda inay siiyaan dad kala duwan dhamaantood dawooyin isku mid ah. Waxay can ahaayeen xarumahani ka hor aqoonta caafimaadku intii aanay gaadhin horumarka cajiiba ah. Waxase dunida weli jira goobo ay hooseeyaan adeegyada iyo aqoonta caafimaad oo ku taxan goobaha adeegsanaya khuraafaadka iyo mala awaalka.
Xaruntii caafimaad ee ugu horaysay ee ahayd mid lagu daweeyo dadka qaba xanuunada maskaxda iyo kuwa nafsaaniga ah ayaa laga furay dalka Ingiriiska sanadkii 1357 waxaana lagu magacaabi jiray Bethlem Royal Hospital. Goobtan ayaa can ku ahayd buuq iyo fawdo xad dhaaf . Sida eryag ingiriisiga ee ah Bedlam oo loogu yeedhi xaruntani uu tilmaamayo oo ah wareer. Waxaana la sheegay in xaruntan qof la geeyay aanu weligii ka helin caafimaad.
Xarunta iyana lagu magacaabi jiray Amityville Insane Asylum ayaa la furay waxaana dhakhtar ka ahaa nin lagu magacaabi jiray Dr.Abrahamson oo ah gudoomiyaha cilmi baadhista xarunta. Waxa lagu dawayn jiray dadka maskax ahaan u xanuunsada iyo kuwa si nafsaani ah u bukooda. Dhakhtarkan ayaa bukaanada u isticmaali jiray dhir iyo maadooyinka mukhaadaraadka ah. Waxaana ay ku keeni jirtay bukaanada inay gidaarada ka soo boodaan ka dibna ay dhintaan.