Iska Hor-imaadyo U Dhexeeyay Dhalinyarrada Xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar Oo La Soo Af-jaray

0
317

Hargaysa (Dawan): Rebshaddo ay  dad ku dhinteen  ku dhinteen oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar ee degmadda Gacan-libaax ee caasimadda Hargaysa, oo u dhexeeyay dhalinyaradda xaafadahaasi  ayaa la sheegay  in la soo af-jaray.
 
Sida uu noo xaqiijiyay  Eng.  Hussein Ibrahim Buuni oo ka  mid ah   golaha dhexe ee  xisbiga KULMIYE, isla markaana ka tirsan wax-garadka  xaafadda Daami oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay DAWAN. Waxaanu sheegay Eng. Buuni in    hadda xal waara laga gaadhay arrintaasi isla markaana ay isku yimaadeen odayaasha iyo wax-garadka labadda dhinac.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaa  maalmahan dambe ka socotay  shaqaaqo dhex martey dhalinyarada labada xaafadood ee  Daami iyo  Sheikh  Madar,  taas oo u dhexeeyey  dhalinyarada beelaha  Gabooye iyo dhalinyaradda Ciise Muuse, waxaanu   ka gaadhnay  xal waara.  Kadib  markii u dhexmaray  dhalinyarada dhawr jeer ama saddex jeer oo  ay isku soo noqnoqdeen   dagaalkani.  Waxaanu   labada dhinac odayaashoodii, dhalinyaradoodii   iyo waxgaradkoodiiba,  waanu isku nimid.  waananu ka wada hadalnay mashaakilka soo noqnoqday ee ka taagan xaafada  iyo waxa ka dhexeeya dhalinyaradan oo isku soo noqnoqdey hada  Labada reer. Weligoodba  way  wada  deganaayeen   xaafadda  oo  ilaa  Ingiriiskii, waanay is-layn  jireen dhalinyaradu,  oo intay  galabtii  Kubadda  soo  wada  ciyaraan  ayay  habeenkii is-layn jireen  subixiina is raaci jireen,  oo dagaal cadaawe muu jirin.  Wuxuu  ahaan jiray  dagaal  ehel iyo sokooye”.
 
Eng Buuni, waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad  oo dhacdadaasi si dhaw ula socon oo tafsiir qaldan ka bixiyay arrintani oo si cadaawadaysan u dhigay, isla markaana sii buun-buuniyay arrinta dagaalka u dhexeeya dhalinyaradda labadaasi xaafadood.waxaanu u soo jeediyay dadkaasi in ay iska joojiyaan waxyaabahaasi oo uu sheegay in ay sababi karan iska hor-imaad intaasi ka badan kana dhib weyn.
 
“Waxaa inagu cusub dagaalkan aanan af go’ayn ee sii balaadhanaya.  sidoo kale waxaa iyaduna inagu cusub ood moodaa in ay iyaduna  noqnoqoneyso  tafsiir qaldan oo laga bixinayo dagaalkan dhexmara dhalinyarada labada reerood oo dad aanan qayb ka ahayn xalku ku dhawaaqayaan dawlada ayaa ka dambeysa.  Waxaan  leenahay  hadalkaasi  waa hadal raqiis ah oonan sal iyo raad toona lahayn, markay islayaan waxaa la odhan jirey waa labadii Muuse oo iyagaa iska keen xigga oo haddii  ay  heshiinayaan  arrinkii sidaas ahaa waa laga qurux badan yahay in tafsiir qaldan laga bixiyo  oo dad aanan goob joog ahayn ama meel wax lagu xalinayo aanan joogin ay qaylo dhaan qaldan oo sababi kara iska horkeen umadahan iyo dawladaba ay ku dhawaaqaan waxaan soo jeedineynaa  in  laga waan toobo, dawladu waa u dhex umada reer Somaliland haddii shaqaaqo dhacdona ciidanku iyaga ayaa u xil saaran soo afjarida shaqaaqada” ayuu yidhi Eng. Buuni.
 
 
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray Eng-ku in ay arrintaasi kala hadleen wasiirka daakhiliga iyo taliyaha booliska, isla markaana ay u soo bandhigeen in rasaasta nool ee ay ciidamadda boolisku u adeegsadaan iska hor-imaadyadda dhalinyaradda ay iyada lafteedu tahay mushkilad cusub oo u baahan in ay iska ilaaliyaan ciidanku.
 
Waxanu yidhi “Wasiirka  arrimaha gudaha Cali  Warancade  iyo taliyaha ciidanka bileyska Cabdilaahi  Fadal,  waxaanu ka wada hadalnay in ay tahay mushkilad inagu  soo korodhey  ciidankan rasaasta u adeegsanaya dhalinyarada guud   ahaan waanan ka xunahay dabcan inanka hada ku dhaawacmey iyo labadii  wiil ee horeba. xalkana waxaan Allah s.w ka  baryeynaa in uu inooga yeelo mid lagu waaro.   Markii  aanu isku keeney labada dhinac odayaashoodii,cuqaashoodii, salaadiintoodii  iyo dhalinyaradoodiiba waxaa laga wada Hadley  shaqaaqadan soo noqnoqotey iyo  xalka  ay salka ku hayso, waxaanu  labadayada dhinacba ku kulaney  xarunta wasaarada arimaha gudaha,  oo aanu  ku wada hadalney sidoo kale gudi isku dhafan oo labada  dhinac ayaanu u saarney baadhida dhaawacii  naf iyo maalba   lahaa sidoo kale   halka ay salka ku hayso mushkiladan soo noqnoqotey.
Beesha  Ciise Muuse waxan leenahay  Soomaalidu waxay tidhaahdaa oodi ab kadhaw, ILLAAHAY  ayaa reerkan iskiin baday oo meel ayaad wada talaan ee markay dhalinyaradu  isku dhacaan sidii caadada ahayd waa in loo gurmado oo inta waaweyn ay u gurmato oo xal dag dag ah aynu si wada jir ah uuga gaadhi lahayn ayaa muhim ah in aynu yeelno”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply