Hargaysa(DAWAN): Musharaxa Jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si cad uga soo hor jeestay in dalku yeesho siyaasad lagu maamulo dhulka, taasi oo ah qodob muhiim ah oo qaranku u baahnaa isla markaana aanay xukuumadihii hore ku guulaysan in ay sameeyaan.
Waxaanu ku baaqay Jamaal Qoslaaye in dhulka danta guud ah la iska qaato oo aanay dawladdu gacanta ku hayan arrintaasi oo noqotay mid aad loola yaabay. Taasi oo muujinaysa in uu jirro xidhiidh ka dhexeeya Jamaal iyo shaqsiyaad doonaya in ay sifo sharciga baalmarsan uga faa’iidaystaan.
Hadalkan musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID ayaa daba socday Digreetada uu habeen hore soo saaray Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuna magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo loo xil saaray in ay soo diyaariyaan siyaasadda dib u habaynta dhulka, si gacanta dawladda loogu soo celiyo dhulka danta guud oo muddooyinkan danbe ay ka taagnaayeen dhibaatooyin badan.
Majaajileyste Jamaal, oo shalay u waramay TV-ga Star ayaa cadaystay sida uu u doonayo in lagu sii jirro xaaladda xun ee ay haatan marayso arrinta dhulku. Iyadoo ay dhamaanba bulshadu si buuxda ula wada socoto dhibaatadda dhimashadda badan leh ee dhulku ku hayo bulshadeena. Hadaba marka uu leeyahay Jamaal qoslaaye dhulku siyaasad iyo qorshe qaran uma baahna ma wuxuu doonayaa in maalin kasta dhulka Somaliland ee ah hantida qaranka ee ma guurtada ah ee dhulku ugu horreeyo in la lunsado oo aau qaranku yeelan.
Jamaal qoslaaye ma dhulka qaranka ee uu diiday in gacanta dawladda lagu soo celiyo xeer qaran oo dhaqan gal ahna loo sameeyo sida keliya ee uu uga soo hor jeestay, ayaa la odhan karaa wuxuu dilaal ka yahay dhulka qaran oo dan guud ah. Iyadoo aanu hadda dhulku ku jirin gacanta dawladda oo uu ka iibiyo dad lacago ku soo hagaajistay isaga. Waxaa ka muuqata Jamaal Cali Xuseen oo doonaya in uu u tartamo jagada Madaxweynaha kana tartamaya Xisbiga UCID ma dal kale ayuu musharax ka yahay oo aan ahayn Somaliland mise musharaxnimadiisa ayaa ah iska hadal oo waxaa kaga wayn dhulka danta guud ee lagu soo celinayo gacanta dawladda intaan xeerka loo samayn in uu dilaal ka noqdo.
Dawannews Hargeysa office