Qisada: Nin Faqiir Ah Oo ka Yaabiyay Madax Huteelka!

0
464

Waxay ahayd habeen qabow badan, waxaan da’ayay roob aad u xoog badan. Dadka qaarkood waxay siteen dalaayado ay roobka iskaga dhigayaan.
Inkastoo cimiladu baraf ahayd haddana waxa jiray nin miskiin ah oo xidhnaa dhar jeexjeexan oo fadhiyay goob yar oo huteelka ka mid ah oo uu kaga gabanayay dhaxanta iyo roobka. Iyadoo ay ka muuqato dhibaatada haysatay habeenkaasi oo indhihiisana ay ilmo ka da’aysau ayay haddana dadka qaarkood lahaayeen miyuu waayay  dhar kuwan ka wanaagsan inuu xidho iyagoo xaqiraadi ka muuqato.
Waxa ka muuqatay baahida, ka dibna waxa ku soo dhaqaaqay madaxa soo dhowaynta huteelka oo u sheegay in aan halkan looga baahnayn dad darwarsada oo sidan u fool xun, isla markaana wuxu ku amray inuu debeda uga baxo. Waxa uu ka codsaday inuu daayo inta roobku qaadayo laakiin taasi kama yeelin, isagoo aad uga cadhooday.
Markii uu arkay ninkii faqiirka u muuqday xaaladu halka ay marayso ayuu soo saaray muftaaxa B1 oo ah qolka ugu qaalisan huteelka ee ujeeda dhinaca webiga, iyo inuu yahay ninka qolkaasi kiraystay.
Ninkii shaqaalaha ahaa aad ayuu u naxay oo una argagaxay. Ninkii uu muuqday faqiirka ayaa madaxa huteelka ku yidhi “ Huteelkiina waxaan kaga baxa nus saac, ii diyaari gaadhigaygii Riceka ahaa. Weli wuu jawaabi kari la’yahay madaxa soo dhowaynta huteelku. Wuxu qaadan la’yahay ninkan hor taagani dharka uu xidhan yahay waxaam uu hoos u leeyahay xataa dadka nadaafadda ka sheqeeyaa ma xidhaan dharkan uu xidhan yahay.
Ninkii wuxu iska galay qolkiisi, wuu iska soo bedelay dharkii , wuxuuna soo xidhay dhar aad u qurux badan iyo kabo qaali ah, ka dibna wuu soo baxay isagoo koray gaadhigiisa oo diyaar u ahaa.
Wuxu u yeedhay madaxa soo dhowaynta isagoo gaadhigiisa fuushan waxaana uu ku yidhi “ imisaad mushahar u qaadataa?
Shaqaalaha 3 kun doller.  Ninka: Makugu filan tahay ?  Shaqaalaha: Maya aad iiguma fila. Ninka: Ma u baahan tahay in wax lagu siiyo? Shaqaalaha: Sidee ayaanan ugu baahnayn mudane. Ninka: Oo soodigii hadeer lahaa halkan waa ka mamnuuc dawaradu? !
Ninka ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “ waad hoogteen, dadka waxaad ku kala saraysiinaysaan xoolahooda, Waxa xumaan ka nasahan Allaha muddo kooban ku bedelaya dhaqanka iyo akhlaaqda qofka.  Waxaan sanad kasta wakhtiga qaboobaha sameeya sidan si aan u dareemo nolosha saboolka  iyo sida ay ula dhaqmaan dadka aan akhlaaqda wanaagsan lahayni.
(Wargeyska Alwaaqac)
 
 

Leave a Reply