“Dardaarankiisa Waan Fuliyay Hantidiisiina Waxan Raaciyay Maydkiisa”

0
375

Odaygeeda oo ahaa mid aad bakhayl u ah oo aan hatidiisa waxba ka bixin ayaa dhintay markii uu ogaaday in aanu xanuunkan ka kacayn ayuu kula dardaarmay  islaantiisa in hantidiisa dhamaanteed isaga lala aaso.
Islaantiisa ayaa balankiisa u fulisay si yaab leh, waxayna markiiba hantidiisa ku jirtay accountkiisa ku wareejisay xisaabtii ay ku lahayd baanka.
Markii ay sidaasi samaysay ayay jeegeedii ku qortay lacagtii uu isagu lahaa oo dhan, waxayna jeegagasi raacisay maydkiisa iyadoo tidhi “ Waxaan sidaasi u yeelay in hantida ku qoran jeegaga oo ah intii uu isagu lahaa inay sidaasi ku raacdo oo u qaato halka uu tegayo ee uu rabay inuu ku isticmaalo lacagta.
Islaanta ayaa sheegtay inay sidaasi u samaysay si u u fuliso dardaarankii odaygeedii bakhaylka ah kula dardaarmay, waxayna si kooban u tidhi “Dardaarankiisa waan fuliyay hantidiisiina waan la aasay”. Isaalanta ayaad loola yaabay habka caqliga badan ee ay u fulisay dardaaranka iyadoo aan dayicin hantidii.
 

Leave a Reply