Siday xaqiijiyeen culimada sayniska ,waxa jira xayawaano kala duwan oo guryaha iyo meelaha qaar laga helo,kuwaas oo awood u leh inay daweeyaan ama qayb weyn ka qaataan daweynta xanuunada qaarkood.
Xanuunada ay xayawaanaadkaasi daweeyaan waxa kamid ah sida dhiig karta,maskaxda oo isku yaacda,macaanka iyo kuwo kale oo badan,waxaanay khubaradani ku sababeeyeen awood dheeraada oo ay sheegeen inay xayawaanadani lee yihiin,kuwaas oo ay u saamaxdo inay is dhex gal la sameeyaan dadka.
Khubaradan ayaa xayawaanka kowaad ku sheegay bisada inta badan lagu haysto guriga ee lagu rabaysto,iyaga oo intaas raaciyey inay dejiyaan mar walba dhiiga oo qofka ku kaca,sidoo kalena ilaaliya wadna xanuunka,caloosha ,lugaha iyo beerka,iyaga oo dareema meesha qofka rabaystay xanuunaysa kadibna usoo dhowaada una gudbiya awood dheeraada oo ay lee yihiin.
Xayawaanka labaad ayaa ah Ey-ga ,kaas oo ay khubaradani sheegeen inuu yahay saaxiibka ugu weyn ee dadka,waxaanay khubaradani sheegeen inuu yahay mid markaaba dareema daalka qofkaasi ka muuqda,isaga oo siiya firfircooni ,isaga oo la ciyaaraaya kuna ciyaaraaya.
Ey-ga ayay sidoo kale sheegeen inuu dareemo markaaba haddii qofkaasi uu macaan oo uu hoos udhaco,kaas oo u diga,waxa kale oo ay sheegeen inuu neef qabatinka laftiisana fahmo,sidoo kalena dareemo.
Xayawaanka saddexaad ayaa ah Faraska ,kaas oo ay sheegeen inuu bani’aadmiga ka caawiyo daweynta isku yaaca maskaxda,gaar ahaana caruurta,taas oo ay keenayso marka la saaro laguna ciyaar siiyo,sidoo kalena marka ay arkaan midabada kala duwan ee faraska ayay sidoo kalena khubaradu sheegeen inay xusuustaan caruurtaasi waxyalo laga yaabo inay hore u ilaaween.
Xayawaanka Afraad ayaa ah shinnida,waxaanay sheegeen in xayawaankani dadka ku caawiso Malabka oo ah waxyaalaha ay samayso lagana faa’idaysto,iyada oo dhakhaatiirta qaarkood dadka dawo ahaan ugu qoraan malabkaasi.
Xayawaanka shanaad ayaa ah Masaska,iyaga oo sheegay khubaradaasi in suntan maska inta badan loo isticmaalo dawo ahaan,gaar ahaana sharoobooyinka,sidoo kale marka aanu masku lahayn micida,waxa dadka uu isku duubaa ay sheegaan inay dareemaan deganaansho.
Khubarada daraasadan soo saaray ayaa kula taliyey dadka xanuunadan ka cawda inay la saaxiib noqdaan xayawaanadan.