Dibadbaxa Lubnaan

0
335

Kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgalayaan isu soo baxyo cadho leh oo ka dhacay caasimadda dalka Lubnaan ee Beyrut.
Waxay dadkan ka dibadbaxayaan qashin jidadka magaalada buux dhaafiyay, oo ay sheegeen inaysan dowladda waxba ka qabanin.
Booliska dalkaasi ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaasta cinjirka ka sameysan u adeegsaday dibad baxayaasha.
Dadka isu soo baxay dhankooda waxa ay tuurayeen caagadaha biyaha iyo hadhaaga gaaska lagu riday.
Hay’adda Bisha Cas ayaa waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan sideed qof ay dhaawacmeen intay rabshadaha socdeen.
Mudaaharaadka waxaa soo qaban qaabiyay kooxo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kuwa ololaha dhanka internetka Sameeya ee loo yaqaano “You Stink”.
Waxa ay sheegayaan inay doonayaan in maamulku ay qashinka iyo wasaqda ay magaalada ka sifeeyaan.
 
 

Leave a Reply