Qarax Kale oo Kiimiko oo Shiinaha ka Dhacay

0
337

Kiimoko kale ayaa ku qaraxday bariga dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolka Shandong, isbuuc kaddib markii qarax kale uu ruxay magaalada weyne ee xeebta leh ee Tiajin, kaas oo ay ku dhinteen 116 qof.
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha, Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay qaraxan cusub ee ka dhacay Shandong.
Laba qarax oo waaweyn oo kiimiko ah ayaa laga maqlay guri ku yaalla Zibo, kaas oo sababay dab xoog leh.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay goobaha dadku deggan yihiin u jirtaa qiyaastii hal kilomitir, baraha bulshada ayaana lagu qoray in daaqadaha guryaha shacabka qaar inay jajabeen, taas oo ka dhalatay awooda qaraxa.
Cadho xoog leh ayaa ka dhalatay qarixii dadka badan ay ku dhinteen ee Tiajin, iyadoo dowladda SHiinaha ay ballan qaaday inay xoojineyso badqabka xarumaha warshadaha kiimikada.
 
 

Leave a Reply