Ingiriiska oo Furay Safaaradiisii Iiraan

0
280

Safaarada Britishka ee Iran ayaa dib loo furay iyadoo ah calaamadii ugu danbaysay inay soo fiicnaanayso xidhiidhka Iran iyo reer galbeedka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Philip Hammond, ayaa xaflad gaaban ku qabtay dhismaha safaarada.
Imaashaha Philip Hammond, ee Tehran oo ahayd tii ugu horaysay ee wasiir British ah tan iyo sanadkii 2003-dii, ayaa sheegay in dib u furka ay tahay arrin taariikhi u ah xidhiidhka Iran iyo UK.
Safaarada ayaa la xidhay afar sanno ka hor, kadib markii ay soo galeen safaarada dad mudaharaadayay.
Safaarada Iran ee London ayaa sidoo kale dib loo furayaa.
Bishii hore heshiiskii Nukliyeerka ee Iran iyo reer galbeedka ayaa wadada u xaadhay in la soo celiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed.
 
 

Leave a Reply