Hargeysa (Dawan – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayay madaxa hay’adda Kuwait Fund ee hirgelisay xarunta waxbarashada Agoomaha ee bariga magaalada Hargeysa oo dalka booqasho ku yimid.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirrada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shirre.
“Halkan maanta (shalay) waxa innala jooga wefti ka socda dawladda Kuwait oo ah runtii Dr Sacad Al- Cutaybi, Madaxweynaha kulanka ay la qaateen waxa ugu horeeyay oo uu u yimid waxa weeyaan inuu Madaxweynaha u mahadnaqo in Kaamkaa iyo waxyaabo kaleba dalka laga dhiso, oo aanay dalal kale Madaxweynayaashooda sidaas oo kale ugu fududayn oo daqiiqadii ay arrinka la yimaadeen in Madaxweynuhu markiiba u fududeeyay, se wuxuu la yimid in mahadnaq iyo waxqabad kaleba innoo qabto. Madaxweynuhuna wuxuu ka dalbaday in haddii ALLE yidhaahdo kaamkan oo kale laga dhiso dalka meelo ka mid ah ka dalbaday,”ayuu yidhi sarkaal ka tirsan madaxtooyadda oo ka waramayay kulankii madaxweynuhu la yeeshay weftigaas.
Sarkaalkaasi waxa uu xusay qoddobo madaxweynuhu ka dalbaday dawladda Kuwait. “Waxa kale oo Madaxweynuhu baaq u sii daayay inay dalka ka jiraan abaarro, abaarahana ay innaga saacidaan iyo wixii kale ee ay Somaliland u qabanayaanba, waxa kale oo Madaxweynuhu uga mahad-naqay dawladda Kuwait wax-qabadkii faraha badnaa ee ay dalka ka qabteen isaga oo ka dalbaday inay intaa iyo ka badan-ba ay innoo qabtaan. Iyagguna wey naga ogolaadeen.”
Dhinaca kale madaxa hay’adda samofalka Kuwait fan Sacad Al- Cutaybi ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland kaga wadahadleen sidii ay u xoojin lahaayeen kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talagaleen shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samasam Cabdi Aadan ayaa xafiiskeeda ku qaabishay weftigan ka socday dalka Kuwait, waxaanay tidhi “Runtii aad baanu u soo dhaweynaynaa, annaga oo eegayna cilaaqaadka aanu la leenahay iyo waxtarka, waxtarka midna waa mid dadku ay iskaga reebayaan ama meel ay furayaa, kan ay Kuwait imika samaysay waa mid ay lexeejeclo ku jirto oo kuwa ugu nugul bulshada oo ah Agoomaha, diinteenuna ina farayso in aynu ilaalino ayay abaareen, hadday abaareena waxay u sameeyeen, waayo hay’addo ajnabi ah baa iman jiray oo Agoomaha caawin jiray oo meelo bisaaska lagu xareeyo dhisi jiray. Waxaad arkaysaa diiniyan, dhaqan ahaan iyo walaaltinimo ahaan inay Agoomihii u dhiseen meel ay ku dhameeyeen wixii aan Ilmaha qofka maalqabeenka ahi haysan, annaguna kaalintayada waanu u mahadnaqaynaa.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office