Tokoyo: Maqaaxida Masaska Iyo Raashinka laga Wada helo

0
321

Magaalada Tokoyo ee Dalka Japan degmada Tusawaq ayaa laga furay Maqaaxi  lagu soo bandhigo Masaska waaweyn. Maamulka Maqaaxidan ayaa sheegay inay ugu talo galeen in macmiilkooda ay ka bogtaan muuqaalka Masaska waaweyn.
Maqaaxida ayaa la keenay 35 nooc oo ka mid ah Masaskaasi oo ah kuwa aan sunta lahayn, waxaana ay maamulka goobtani sheegeen in macmiilka looga baahan yahay inay la yimaadaan geesinimo.
Macmiisha ayaa bunka ku cabaya iyagoo abeesooyinku ay dhinacooda joogaan. Qiimaha cabitaanka iyo cuntada ee maqaaxidan ayaa ah 1000 yen oo u dhiganta $ 8 , haddii macmiilku u baahdo inuu qabto ama taabto masaska waxa ku kordhiya lacag dhan $ 4.30. Maqaaxidan ayaa soo jiidatay habalaha dugsiyada inkasta oo markii hore loogu talo galay dadka qalbiga jilicsani inay ku bartaan u adkaysiga aragtida  Masaska naxdinta leh wakhtiyada ay dalxiiska u baxaan.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters mulkiilayaasha maqaaxida ayaa sheegay inay doonayaan in macmiilku fahmo xaqiiqda masaska oo inta badan sumcad xun laga aaminsan yahay, si loo ilaaliyo deegaanka iyo inay ogaadaan in aanay Mas oo dhami ahayn cadow sun leh oo dadka gumaadaya.

Leave a Reply