Shimbrika Xamaamka Ee Tahriibiya Xashiishadda

0
361

Ciidanka Asluubta ee dalka Costa Rica ayaa xidhay  Shimbir  Qoolay ah oo u tahriibinaysay Mukhaadaraat maxaabiista ku xidhan jeelka La-Reforma ee ku yaalla magaalada San Rafel. Ilaalada jeelka ayaa soo bandhigay shandad ay ka buuxaan Cocaine iyo xashiishad oo ah daroogo la doonayay inay isticmaalaan maxaabiista Jeelka.
Booliiska ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in ilaalada jeelku ay dareemeen in Shimbirka dushooda duulaya ay ku xidhan tahay shandad madow. Waxaana laga soo saaray shandadaasi yar ee  madow oo ku qarsoonayda baadadkeeda madow 14 gr oo Cocaine iyo 14 gr xashiishad ah.
Booliiska ayaa sheegay in Shimbirka Xamaamka ahi uu ah mid tababar ku haysta tahriibinta badeecooyinka aan sharciga ahayn. Mana ahayn markii u horaysay ee shimbiro la qabto iyagoo maxaabiista u gudbinaya mukhaadaraad. Waxaana la sheegay in Shimbirkaasi loo gudbiyay beerta xayawaanka ee dalkaasi si loogu sameeyo tababar dhaqan celin ah si aanay mar danbe u adeegsan kooxaha ka ganacsada mukhaadaraadka.
Ciidanka Asluubta ee dalka Costa Rica ayaa xidhay  Shimbri Qoolay ah oo tahriibinaysay Mukhaadaraat maxaabiista ku xidhan jeelka La-Reforma ee ku yaalla magaalada San Rafel. Ilaalada jeelka ayaa soo bandhigay shandad ay ka buuxaan Cocaine iyo xashiishad oo ah daroogadaasi.
 

Leave a Reply