Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa socdaalkiisii toddobaadka qaatay ee uu ku tagay Magaaladda Nairobi uu ku soo dhammaaday hungo ka dib markii ay waxba uga qabsoomi waayeen olole siyaasadeed oo uu u tagay Kenya.
Guddoomiye Cirro ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya waxa uu la kulmay dhawr danjire oo kala ahaa Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Nicholas Kay, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya iyo Safiirka Talyaaniga ee Nairobi, halka sida la sheegay danjiraha Ingiriiska u fadhiya Kenya uu gaashaanka ku dhuftay inuu la kulmo Guddoomiye Cirro, arrintaasi oo ku noqotay weji-gax iyo u qaadan waa.
Safiirrada uu Guddoomiyaha WADDANI la kulmay mudadii uu Nairobi Joogay ayaa waxa uu ka dalbaday afar qoddob oo uu kula dagaalamayo sumcadda qaranimadda Somaliland iyo karaamadda ay caalamka kaga kasbatay nabad-gelyadda, maamul-wanaaga iyo dimuqraadiyadda. Waxaanay kala ahaayeen mawaadiicdii uu ka codsaday inay wax kala qabtaan sidan:-
Waxa uu ku booriyay inay Golaha Wakiiladda siiyaan dhaqaale ay ku shaqeeyaan Xildhibaanadu, isagoo xusay in miisaaniyaddii golaha aad loo yareeyay oo aanay haysan wax dhaqaale ah oo ay ku maamulaan shaqadda Guddiyadda Golaha iyo Gunooyinkoodaba, in aanay jirin wax doorasho ah oo dalka ka dhici doonin sannadka 2017-ka oo ay mar kale dib u dhac ku imanayo.
Waxa kale oo ka mid ahaa qodobbadii uu la shir tagay in Golaha Wakiiladdu aanay wax shaqo ahi ka soconin, waxaanu xukuumadda ku ribeeyay eedo aan jirin oo la xidhiidha inay faro-gelin joogto ah ku hayso aqalka Wakiiladda. Waxa iyana uu ka dalbaday inay faro-geliyaan siyaasadda Daakhiliga ah ee Somaliland, waxaanu u soo jeediyay inay hakiyaan dhaqaalaha la siiyo Somaliland, isagoo ku dooday in ay ku dhacayso jeebadaha dad gaar ah.
Ilo wareedyo looga qaateen ah oo ku sugan Nairobi ayaa DAWAN u xaqiijiyay in qodobbadaas qaranimadda dhaawacaysa uu Guddoomiye Cirro ku gudbiyay qoraal rasmi ah, waxase la sheegay in aanay arrimaha uu codsaday aanay midna ka aqbalin hase yeeshee kaliya ay dhego laab u daloola ku dhegaysteen dacwadda uu u gudbiyay.
Waxa la sheegay in Guddoomiye Cirro uu ku fashilmay isku-day uu ku doonayay inuu kulan la yeesho danjiraha dawladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo ka cudur-daartay inuu qaabilo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo hore dacwado noocan oo kale ah oo waxba kama jiraan ah u gudbiyay safaaradiisa.
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Hungadii Cabdiraxmaan Cirro Ee Socdaalkiisii Kenya Iyo Dullucda Qoddobo Uu Ku Sumcad...