Warbixin: Nooca Dhiiga Oo Laga Ogaan Karo Xanuunada Maskaxda

0
585

Xanuunada maskaxda ku dhaca ayaan wax badan laga aqoon, laakiin Dr. Marie-Odile Krebsa oo ka madax ah Isbitaalka Sant oo ku yaalla magaalada Prise ee dalka Faransiiska oo ay la shaqaynayeen 21 xubnood oo cilmi baadhayaal ahi ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in xanuunada maskaxda iyo kuwa nafsaaniga ahba laga ogaan karo nooca dhiiigga ee qofka oo la baadho.
Waxa kale oo ay intaasi raacisay in calaamadaha  xanuunka maskaxda ee waalida ama kan nafsaaniga ah laga ogaan karo 22 calaamadood oo uu leeyahay  nooca dhiigga ee qofka.  Waxaana jira molekuyulo hormone ah oo ku jira nooca dhiiga kuwaasi oo ah kuwa kobciya difaaca jirka iyo maskaxda. Warbixintan cilmiga ah oo la faafiyay bishii hore ee July  sanadka 2015 ayaa la sheegay inay tahay mid muhiim u ah xanuunada waalida iyo cilmi nafsiga. (Thaqafa)

Leave a Reply