Xukuumadda Oo Shaacisay In La Hirgelinayo Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga

0
468

Hargeysa(DAWAN):  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga  caalamiga ah  ee Somaliland Dr.  Muuse Qaasim  Cumar,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ay maalmihii u dambeeyay mucaaridku ku cel-celinayeen oo  ay ku sheegayeen in Haamaha Kaydka Shiidaalka   ee Berbera  la iibinayo.

 

 Waxaanu  sheegay in   Haamaha kaydka Shiidaalku  ay yihiin Hanti qaran   oo ma guurto ah  oo aan si fudu loo iibin karrin, isla markaana aan la bar-bar dhigi Karin   guryihii Hindiyan laynka ee ay xukuumaddii UDUB iibsatay.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera in la horumarinayo oo lagana kiraynayo shirkado waddani ah oo  weliba kuwa imikaba ku shaqeeya ee Shiidaalka dalka keena, isla markaana maadaama oo ay haamaha shiidaalku yihiin hanti qaran muddo kooban   lagaga kiraynayo isla markaana ay horumarin iyo maal galin iyo casriyaynba ku samaynayaan.

 

Dr. Muuse Qaasim, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN isagoo joogga Hargaysa Waxaa kale oo uu  ka hadlay qorshaha kala xadaynta ganacsiga oo dalku baahi weyn u qabay in ay hirgelinayaan isla markaana ay dib u soo celinayaan iska daba noolaanshihii iyo gacmihii badnaa ee wax iska daba macaashka dhinaca ganacsiga.

Wasiirka  oo ka jawaabayay  hadaladda  mucaaridka ee sheegayay in la iibinayo haamaha kaydka shiidaalka Berbera, waxa uu yidhi “Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera waa hanta qaran oo qaranku leeyahay lamina iibinayo oo maaha baloodho, mana noqonayaan sidii guryihii Hindiyan laynka ee UDUB wada cuntay ee ay lacagtoodii jeebabka gaarka ah ku dhacday laakiin hantida qaranka in la horumariyo oo la casriyeeyo dawladda xilbaa ka saaran wax kasta oo lagu horumarinayona waa la samaynayaa.

Markaa qorshe qaran ayaanu arrintaa ka yeelanay daraasad iyo qiimayna waanu soo samaynay markaa waxaa laga kiraynayaa muddo cayiman shirkadaha Wadaniga ah ee imika ku shaqeeyaha Haamaha ee Shidaalka dalka keena,waxaana lala gelayaa heshiis qaran oo cad. Waxaana heshiiska ku jira in ay Haamaha horumarin iyo Casriyaynba ku sameeyaan.

Horena waa loo kireeyay Haamaha oo Xukuumaddii Cigaal waxaa laga kireeyay shirkad ajaanib ah(TOTAL) imikana kuweenii  wadaniga ahaa ayaa laga kiraynayaa.laakiin wax la iibinayo iyo Haamo cid gaar ah  lagu wareejiyay midna ma jirto mucaaridnimaduna maaha in ay wax kasta oo dhanka wanaagsan loo qaaday ay hadal galiso oo ay dadka wax aan jirin u sheegto.”

 Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga oo aanu waydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in Dekedana la wareejiyay.  Waxaanu yidhi  “Hadalkaa beryahaaba Mucaaridka oo ku cel celinaya oo warbaahinta ka leh waan maqlayay laakiin  ma jirto cid imika dekeda lagu wareejinayaa Gudigaa ka mid ayaan ahay markaynu aragno wax Dekeddeena iyo dalkaba dan u ah tartanka caalamka ka socda waynu ka qayb galaynaa laakiin imika taasi ma jirto.”

Dr. Muuse Qaasim, waxa kale oo aanu wax ka waydiinay ka wasaarad ahaan  waxa uga meel yaalla ka  kala xadaynta ganacsiga dalka,   iyo soo dejiyaha illaa tafaariiqda iibinaya. Waxaanu  ku jawaabay “Waxaan Bulshada reer Somaliland ugu bushaaraynayaa in ay dhamaatay ganacsigii  midka kaliya ahaa waxaanan ku soo celinaynaa nidaamka ganacsiga isku daba noolaanshihii la iska daba ceeshayay waxaana look ala qaadayaa Ganacsiga sadex qodob oo muhiim ah isla markaana dhaqan galaya oo daraasadiisii iyo sharciyadiisiiba aanu dhamaynay kaa soo kala ah.

 

1.            Soo dejiye  aan dekedda soo dhaafinayn badeecadaha uu soo dejiyay laakiin halkaa ayuu kaga iibinayaa jumladleyaasha.

2.            Jumladleyaashuna waxay  jumlad kaga iibinayaan meheradaha tafaariiqda iibiya oo bulshada ka sii iibinaya laakiin ma dhici doonto soo dejiye jumlad iibiya iyo jumladle tafaariiqda iibiya taasina waxay soo celinaysaa isku daba noolaanshihii  ganacsigu ahaan jiray ee la iska daba ceeshayay” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

 Wasiirka Ganacsigu Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Waxaa kale oo aanu Wasaaradda Hawlaha guud isaga imanaynaa sida looga gudbayo tijaartan gaadiidkooga iyo waxay soo dejiyaan isku soo raraya  iyo bakhaaradan mid waliba gaadhiga yare e dameer qadiyaha ah samaystay taasoo iyada laftigeedu noloshii saamayn ku yeelatay oo dadkii gaadiidka ku shaqaysanayay wax ay qaadaan ma hayaan, oo kii dameerka wax ku qaadayay cid uu wax u qaado ma helayo keeriyoonlihii nolol maalmeed ma helo oo bakhaarkii ayaa gaadhi yar oo uu wax ku xamaalo isku buufiyay. Waasoo dhan waanu kala xadaynaynaa laakiin  dib cid kaliyi dalka uga macaashi mayso.”

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply