Khubaro dhinaca dhulka ah ayaa magaalada Florida xeebteeda ka heshay dahab aad u tiro badan oo ay isticmaali jireen dadka wada doonyihii Isbaanishka ama dalka Spain ka iman jiray qarnigii 18-naad,kuwaas oo qaarkood ay halkaasi ku degeen.
Dahabkan ayaa la sheegay inuu gaadhaayo ilaa B4.5 Million oo lacag ah,kuwaas oo u badan dahabka loo sameeyey habka shillimaanta oo kale.
Idaacadda BBC-da laanteeda cilmibaadhista oo qoral ahaan lagu soo gaadhsiiyey ayaa sheegtay in khubaradaasi uu usoo sheegay nin kaluumaysatada xeebtaas kamid ah oo lagu magcaabo Brent Brisbane,kaas oo dhawr jeer dahabkaasi oo soo caaryey helay.
Nimankan khubarada ah ayaa markii dambe gunta ugu dhaadhacay meelahaasi ,iyaga oo ugu tegey qasnado lacagtaasi ay ka buuxdo,kuwaas oo dhex yaala badda wadankaasi ,gaar ahaana magaalada Florida.
Lacagahan la helay waxa ku jira Dahab,Silver iyo waxyaalo kale oo lacago ah ,kuwaas oo ay siteen maraakiibtaasi laga lahaa wadanka Spain ee iman jiray xeebaha wadanka Maraykanka muddo hadda laga joogo 300 oo sanno.
Khubaradan ayaa u sheegay BBC-da qaybteeda cilmibaadhista in ay badda gacanka Mexico ay ku aasan yihiin ilaa 11 markab oo laga lahaa wadanka Spain,kuwaas oo halkaasi ku dagay,waxaana agagaarka xeebta Florida baadhitaano ka waday khubaro Maraykan ah oo baadhaayey maraakiibtaasi degtay ,iyaga oo baadhitaanka bilaabay sannadkiii 2010.
Home Barnaamijyada Badda Hoosteeda Oo Laga Helay Lacago Ay Isticmaali Jireen Baxaarida Isbayn Qarnigii...