Madaxweyne Salva Kiir ayaa qalinka ku duugay heshiiskii nabada isaga oo jooga caasimada Juba si loo soo afjaro dagaalka uu kula jiray muddada 20- ka bilood ah fallaagada.
Salva Kiir waxa uu heshiiskani la saxeexday fallaagada in ka badan wig markii uu diiday inuu sidaa yeelo, waxaana goob joog ka ahaa xafladda hoggaamiyeyaasha gobolka ee Afrika.
Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, iyo ra’iisulwasaaraha Ethiopia, oo isagu howsha dhexdhxaadinta oo dhan lahaa ayaa ku sugnaa goobta saxeexa Arbacadii.
Hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar ayaa ku saxeexay heshiiska caasimada Itoobiya ee Addisababa toddobaadkii hore, balse Kiir ayaa sheegay maalintaasi inuu u baahan yahay in la siiyo waqti dheeri ah si uu la tashi u sameeyo.