Saudi Arabiya ayaa qudha ka jartey arbacadii shalay afar qof, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dadka lagu diley dalkaasi muddo 12 bilood ah ugu yaraan 178 qof.
Dhimashada dadkan ayaa timi maalin kadib markii heyadda Amnesty International ku boorisey Boqortooyada in ay joojiso fulinta dilka ee sii kordheysa.
Wasaarada daakhiliga ayaa sheegtay in ay dadkaasi la laayay saddex ahaayeen sucuudi, midna ahaa suuriyaan iyada oo lagu eedeeyay dembiyo ahaa dil iyo tahriibin mukhaadaraad.
Nawaf al-Otaibi oo sucuudi ahaa ayaa lagu diley magaalada galbeedka ee Taif kadib markii lagu helay inuu toogasho ku dilay aabihii oo muran dhexmaray.
Labada kale ee sucuudiga ah ayaa iyana qoorta lagaga jaray koofurgalbeed markii lagu helay in ay geysteen dil.
Ezzeddine al-Saleh oo isagu suuriyaan ahaa ayaa lagu dilay gobolka waqooyiga ee Jawf isaga oo lagu helay mukhaadaraad uu tahriibinayay.
Sida ay AFP news agency ka soo xigatay wasaarada daakhiliga tirada dadka dilka lagu fuliyay ayaa gaadheysa 127 sannadka 2015.
Sacudi Arabiya ayaa iyadu dil ku qaada dadka lagu helo dembiyada dilka, mukhaadaraadka, meel ka haca diinta iyo sixirka.