Hargaysa(Dawan): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan awoodda saarayaan in ay xafidaan Aataarta Qadiimiga ah ee dalka isla markaana ay baadigoobayaan waxyaabaha kale ee qadiimiga ah ee dalka ku duugan ee aan weli la helin.
Maxamed Xuseen Dhabbeeye, oo shalay warbaahinta u waramay waxa uu fahfaahin ka bixiyay qiimaha ay dal ahaan iyo dad ahaanba u leedahay aataarta Qadiimiga ah iyo sida ay waajibka u tahay in la wada ilaaliyo.Waxxaanu yidhi “Waxaanu awoodda saaraynaa in aanu ilaalino oo aanu xafidno Aataarta qadiimiga ah ee dalku leeyahay ee imika aynu haysano. Waxa kale oo aanu ka xukuumad ahaan si buuxda uga hawl gelaynaa sidii aanu u heli lahayn aataarta kale ee taariikhiga ah ee dalka ku duugan ee aan wali la ogaan.”
Aggaasimaha Guud ayaa intaasi ku daray in aanay dadkeenu fahan sanayn qiimaha ay dalka u leeyihiin waxyaabaha qadiimiga ah, isagoo bulshadana u soo jeediyay in ay ka qayb qaataan ilaalinta Aataarta qadiimiga ah ee dalkeena ku duugan.
“Waxaa jirta in dadkeenu aanay wax badan ka ogayn qiimaha ay Aataarta qadiimiga ah ee qaranku leeyahay ay dalka u leedahay. Waxaad arkaysaa dadkeena oo aan muhiimad badan-ba siinayn marka aad tidhaahdo dalku taariikh caynkaas ah ayuu leeyahay iyo halkaa magaalo kumanaan sano jirtay ayaa ku duugan.
Markaa waxaan dadweynaha reer Somaliland oo dhan ku boorinayaa in ay ka qayb qaataan ilaalinta iyo daryeelka Aataarta qadiimka ah. Waa taariikh iyo Aataar qadiim ah oo aynu wad leenaha y, waa taariikh iyo raad-raac ka warramaya dalkeenu inta uu jiray iyo taariikhda uu leeyahay” ayuu yidhi agaasime Dhabeeye.
Md. Dhabeeye, waxa uu ka hadlay sida ay Aataarta qadiimiga indhaha caalamka iyo dalxiisayaashaba u soo jiidanayso waxaanu bulshada kula dar daarmay in ay ka qayb qaataan ilaalinta aataarta qadiimka ah. Isagoo xusay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa raad-raaca qadiimiga ah.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka xukuumad ahaan way naga go’an tahay in aanu arrintaa culayskeeda saarno, cid kasta oo gacan naga siisana waan hambalyaynayaa. Aataarteenu waa ta aynu ku soo jiidanayno dalxiiseyaasha iyo indhaha caalamkaba. Markaa aynu ka wada qayb qaadano ilaalinteeda.”
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka “Waxaanu Awoodda Saaraynaa Inaanu Ilaalino Aataarta Qadiimiga Ah”Agaasimaha Ciyaaraha