Booliiska Dubai ayaa sheegay inay heleen nin ka mid ah dadka dawarsada oo u dhashay dalalka Asiya, kaasi oo dadka weydiista 10 dirham, laakiin markii ay baadheen ay ka heleena shandadiisa lacag dhan 19 kun Dirham.
Wargeyska Imaraata Al- Yoom ayaa ka soo tebiyay in madaxa la dagaalanka dawarada isla markaana ah madaxa booliiska qaabilsan aminga dalxiisayaasha Kornayl Maxamed Raashid uu sheegay in booliisku ay kala kulmeen arriimo aad cajiib ah dadka dawarsada.
Waxaana uu sheegay in nin ka mid ah dadka u dhashay Asiya oo dadka baabuurta wata weydiista 10 Dirham markii ay baadhis ku sameeyeen ay ka soo saareen shandadiisa lacag aad u badan oo ka yaabisay booliiska taasi oo dhamayd 19 kun Dirham. Waxaana uu yidhi wuu dawarsanayay haddana wuxu ahaa nin taajir ah oo aan is dareemayn.
Waxaana uu sheegay in olalaha ay ku qaadeen dadka dawarsada intii uu socday ay qabteen 103 qof, oo 14 ka mid ahi ay yihiin dumar.
Dadkan ayaa caado u leh inay muujiyaan xubanaha ay naafada ka yihiin marka ay daariiqa is taagaan ama ay baryayaan dadka.