Bogag internet ah oo Malaysia ay xirtay

0
328

Maamulka dalka Malaysia ayaa waxa ay xannibeen bogag internetka ah oo kooxo dibadbax ka dhan ah dowladda Sameynaayay ay doonayeen inay dabayaaqada isbuucan ay sameeyaan.
Waxay sidoo kale ku hanjabeen inay ka hortagi doonaan bogagga kale ee faafiya wararka la xiriira dibadbaxa.
Dowladda waxa ay sheegatay in kooxdaasi ay hanaanka bulshada ay caqabad ku yihiin.
Kooxda waxa ay qaban qaabinayeen dibadbax loogu magacdaray Bersih kaas oo ay ku dalbanayaan in ra’iisul wasaaraha Malaysia, Najib Razak uu is casilo.
Arrintan waxa ay ka dhalatay balaayiin dollar oo laga helay akoonka bangiga ra’iisul wasaaraha.

Leave a Reply