Islaan lagu magacaabo Yang Shiyu oo degan magaalada Siyang ee gobolka Sitshuwan ee dalka China ayuu gees ka soo baxay wejigeeda. Islaantan ayay dadka xafaadda ay degen tahay ku magacaabaan Geeslay. Dhererka geeska ayaa gaadhaya 13 cm.
Wiilka ay dhashay islaantani oo lagu magacaabo Tashan ayaa sheegay in geeska ka soo baxay hooyadii uu eeg yahay sida Mulac Madow, isagoo muddo 7 ilaa 8 sano ah kolba soo kordhayay.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hooyadii ay ka cabanaysay markii hore cuncun wejiga ka dibna usoo baxay geeskaasi, iyagoo wakhtigaasi u geeyay dhakhtar dhaqameed kaasi oo siiyay dawo ka joojisay cuncunkii laakiin muddo ka dib usoo baxay geeskaasi.
Wiilka ayaa sheegay in hooyadii ay tahay 87 jir isla markaana uu wakhtigan geeskaasi u diiday hurdada, isla markaana uu wakhtiyada qaarkood dhiig ka imanayo. Dhakhaatiirta magaaladaasi ayaa ku sheegay xanuunka islaanta ku dhacay inuu yahay Buro wejiga ka soo baxday taasi oo weynaatay una eekaatay sida geeska.