Imaraadka Carabta Oo Albaabadooda u Furay Somaliland Iyo Mashaariicda Cusub Ee Ay Ka Bilaabayso Dalka

0
258

Dubai (Dawan)-Dawladda imaraadka Carabta ayaa shaacisay inay dalka Somaliland si dhakhso ah uga fulin doonaan laba mashruuc oo lagu hirgalinaayo dhaamam biyo xidheeno ah.
Safiirka  Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa waxaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Ha’yada  Khaliifa Foundataion  ee dalka Imaaraadka carabta  Maxamed  Alkhoori. Waxaana labada masuul ka wada hadleen sidii mashaariicda Ha’yada ka wado dalka u sii xoojin lahayd.
Safiirka ayaa uga mahad ceshay doorka taakuleenta ee ee ha’yadani ka wado  Somaliland. Iyada oo iminka ay gacanta ku hayso dhowr mashruuc oo ay ku jiraan labo dhakhtar, mashruuca biyo gelinta ee xumbo wayne ee lagu balaadhinayo biyaha caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo uu ku amaanay  dedaalka ay ugu jirto inay waxtarka dadweynaha ku tabaalaysan abaaraha.
 
 
Dhanka kale waxay   Masuulka Ha’yada khayrigu ee khaliifa Foundation sheegay in  laba mashruuc oo cusub ay Dawladda Imaraadku ka  hirgalin doonto dalka Somaliland, kuwaas  oo ah  Dhaamam waaweyn oo biyo xidhiino ah, maadaama baahida ugu weyn ee Somaliland hadda jirtaa ay tahay Biyaha.
Arrintan ayaa noqonaysa mashruucii sadexaad ee dawladda Imaraadku ay ka fuliso dalka Somaliland  tan iyo intii  Somaliland safiirka cusub u magacawday dalkaas. Dhinaca kale Dalka Imaraadka Carabta oo kamid ah waddamada ugu qanisan Khaliijka ayaa laga dareemay  xidhiidh isu soo dhawaansho ah oo uu la yeelanaayo Somaliland, iyadoo Diyaarada Fly Dubai ay hadda si joogto ah u timaado Somaliland.
 
Dhinaca kale  Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Danjire  Baashe Cawil  Xaaji Cumar ayaa gudoonsiiyay madaxa ha’yadaas abaalmarin uu  uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md.  Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ku aadanayd doorka ay ka gaysteen mucaawinooyinka uu dalka Imaaraadku siiyo waddanka Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply