Laba Beelood Oo Iska Hor Imaad Ku Dhex Maray Deegaanka Qoriiley By: Khadar Cabdi Muuse

0
280

Laascaanood (Dawan): Afar qof ayaa ku dhintay ilaa todoba kalena way ku dhaawacmeen  iska hor imaad hubaysan oo  shalay laba beelood oo Ood-wadaag ah ku dhexmaray meesha la yidhaahdo Qoriiley oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana magaaladda Laascaanood kaga began Koonfur Barri.
 
Sida uu  noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool  Yaasiin Maxamed Shirre, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa   ee caasimadda Somaliland oo sida uu  sheegay  u joogga  hawlo shaqadiisa la xidhiidha.
 
 
 
Yaasiin Maxamed Shirre, waxa uu sheegay in dagaalkan dhexmaray labadan beelood ee wada degga Qoriile  in  hal qof  uu ka hdintay midna uu ka dhaawacmay  beesha ka soo jeedda   dhinaca Somaliland, hase yeeshee warar  madax-banaan oo aanu arrintaasi ka helnay ayaa sheegaya in khasaaruhu uu intaasi ka badan yahay, isla markaana  afar qof oo labadda dhinac ahi ay ku dhinteen ilaa todoba kalena ay ku dhaawacmeen.
 
Badhasaabka gobolka Sool oo ka hadlayay waxa uu kala socdo dagaalkaasi iyo khasaaruhu inta uu le’eg yahay waxa uu yidhi   “Dagaalkaasi wuu jiraa oo shalay (doraad) ayuu dhex maray laba beelood oo midna ka soo jeedo Somaliland, (Dhul-bahante)  ta kalena ay dhinaca  Soomaaliya (Majeer-teen)   ka soo jeedo ayuu u dhexeeyaa.   Maantana (shalay)  dib ayaa la isugu soo noqday.   Dagaalka Shalay  (doraad) khasaaruhu dhaawac mooyee dhimasho ma jirin, laakiin  dagaalka maanta xagga soke hal qof baa ku dhaawacmay, Ninna  wuu  ku dhintay, dhinaca kalena dhimasho iyo dhaawacba wuu jiraa sida aan warka ku hayno”.
 
Badhasaabku waxa uu baaq u diray beelahaasi walaalaha ah ee ay colaadu u dhaxayso, isagoo u soo jeediyay in ay dagaalka jojiyaan.   “Waxaan baaq u dirayaa anigoo ku hadlaya  magaca  maamulka gobolka Sool iyo  afka  bulshadda gobolka Sool,  in nabadgeliyo iyo wanaag  aanu kula noolaano  beelaha nala deriska ah ee degan xadka Soomaaliya.  wixii gacan ah ee aanu ka geysan karno  nabadaasina waanu ka gaysanaynaa.  waxaan faraynaa labadda qolaba dadka ka dhinta labadda dhinacba waa dad muslimiin ah, ee waa in laga waantoobo dhib maahee dheefi ka iman mayso, inay dagaalka joojiyaan ayaanu faraynaa” ayuu yidhi badhaasbka Sool.
 
 
 
Wuxuu sheegay in ciidamadda qaranka Somaliland oo ku sugan Qoriile ay kala dhexgaleen beelahaasi, isagoo ku amaanay ciidamadda qaranka sida wanaagsan ee markastaba beelaha colaadu dhex marto nabadgeliyadooda u kala ilaaliyaan.
 
Waxaanu  yidhi “Ciidamadda  qaranka Somaliland oo ku sugan isla degmada ay labadda beelood ku dagaalameen ayaa kala dhexgalay hal guuto ayaa degan. Ciidanka qarankuna waxay ku amaanan yihiin ahd iyo jeer inay amniga ka shaqeyaan  waxaanay ku dedaalayaan in nabadgelyadda la sugo oo aanu dagaal danbe dhicin. Caawana cidda qudha eek u kala dhex jirtaa maaha odayaal, ma aha cid ka socota Soomaaliya ama Puntland,  waa ciidanka qaranka Somaliland ayaa ku kala dhex jira”.
 
 
 
 
 
Dagaalkani ayaa sida uu sheegay badhasaabka Sool, waxa uu ka dhashay dhul-daaqsimeedka iyo ceelal biyood oo ku yaala degaankaasi.
 
Magaaladda Qoriile, oo ka tirsan gobolka Sool, waxay kaga beegan tahay magaalada Laascaanood Koonfur Barri.  waxaanay  tuuladda Saaxdheer ka xigtaa dhinaca barri, taasi oo wax yar u jirta magaaladda Burtinle oo u dhaxaysa Garoowe iyo Bacaad weyn.
 
Waxa  kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka hawlgelayso sidii loo joojin lahaa dagaalka u dhexeeya beelahan walaalaha ah.  “Dawladda Somaliland waxay ku dedaashaa inay ilaaliso nabadgelyadda beelaha dalka u dhashay iyo kuwo dalalka inala deriska ah, arrintana qorshe ayay ka leedahay waana loo diyaarinayaa, cidii ka hawlgeli lahayd, in la helo, cid loo dirro, wasiirro, odayaal iyo cid kaleba” ayuu yidhi Yaasiin Shirre.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply